Sidaad Libaax Usoo Dhaweysay, Odaygaagana Usoo Dhawee!! Sheeko Xiiso Leh;

Berri beryaha kamid ah,baa Islaani waxay ka shikiday in odaygeedu doonayo in uu cosob sado/miyaraysto,waa dumar iyo xeerkoodii markiiba waxay biladwday xeelad ay Saygeedka kaga baajiso in uu Afo kale la guursado.Waxay maskaxda wareejisaba waxay go’aan ku gaadhay in ay u tagto oday Sheekh ahaa oo gayigay degenayd caan ka ahaa,qardhaasaha iyo taxliishana ummadda u dhigijiray aadna loogu xidhnaa isla jeerkaasna ahaa wadaadka kaliyaata ee deegaankaasi arrimaha diinta u qaabilsanaa.Subax hore ayey u gim gimatay jarmaade Awga maqaamkiisa oo ka yara durugsannaa awaadeed.Muddo waxay soo socotaba soo gaadhay kobtii ay u socotay,tooyasho kadib waxa loo sheegay in Awgii/Sheekhii ay doonaysay muraadkana u lahayd Maqaam duleedka reerka ku yaal uu ku jira,in yar markay soo socotay waxay soo gaadhay Maqaamkii,irridda ayey isasoo taagtay,waxaanay ku tiraabtay

-“Aw Jaamacoow salaama calaykum”

-“Wacalaykuma wasalaam waraxmatullaahi wabaraakuti ayuu ugu hal celiey,waxaannu sii raaciyey soo soco adeer”

Maqaamkii gudaha u gashay,muraadkeedii ay u socotay ayey hore uga sheegatay,kaas oo ahaa in uu odaygeeda oo la miyaraysanaya Qardhaas ugu dhigo,iyadana uu jeclaysiiyo(Madiidayn) si aannu dumarka ula guursan.

Intaasi markay dhex martay,Awgii oo la fajacsan gabadhan, ayaa waxa uu ku yidhi:

“Waa hagaag oo waxa aad doonayso oo dhan waan kuu qabanne,balse waxa ka horraysa hal shuruud oo waa in aad ii keentaa Shaarbo Libaax.Wadaadii/Islaantii muraadka lahayd,talo ayaa ku ciirtay, waxan meesha kagasoo baxay wax aanay marna meesha soo dhigan, balse iyadaa dan lehe waxay tidhi “waa hagaag Awjaamacoow anigaa kuu keeni.”

Dib ayey isaga noqotay iyada oo ay talo ku ciirsan tahay,kana fikiraysa siday arrintaasi kaga dhabayn lahayd,si ay wadaadkeeda uga badbaadiso in uu la guursado.

Cabbaar waxay soo socoto iyada oo faro madhnaan in ay kala soo noqotay Awgii/Sheekhii tirsanaysa, ayey gurgeedii soo gaadhay,waa reer miyi xeeladiiye hawlihii u yaalay bay qabashadooda bilawday iyada oo ka fikiraysa arrinta haysata iyo wadaadkii ay kartida bidaysay xujada uu doonisteeda xidhay. Habeenkii maalinta ka danbeeyey may seexan, mawjado fikir ah ayaa maskaxdeeda kusoo maxaay,in badan oo habeenkaasina kamid ahna waxay fikiraysay, siday arrintaasi u geli lahayd.Waxa ay fikirtaba go’aan ayey ku gaadhay in ay ku calool adaygto in ay fuliso hawshii Aw Jaamac soo faray si ay odaygeeda ay adduunka ugu jeceshay gabadh kale aannay ula wadaagin.

Subaxdii iyada oo aan qof Islaam ah arrinta ogaysiin ayey,Kayn weyn oo reerka dhinaceeda ah isu qaaday si ugasoo fiiriso Libaax weyn oo kanytaasi caan ku ahaa,nasiibkeeda oo wacnaa way soo aragtay waxaanay go’aan ku gaadhay in ay Libaaxa sooryeyso si u ujeedadeeda ugaadho ugana jawaabto xujada Wadaadku soo faray.

Isla subaxii xigayba intay kayntii wan weyn geysay ayaa ay Libaaxii oo Xaadhintiisi isaga jira meel waxogaa u jirta Wan kii shishlaa ku biraysay,iyada oo cabsi hayso,balse haddanna calool adaygaysa,maalintii halkii ayuu Libaaxii wankii lagu sooryeeyay isaga cunay,iyana gurigeedii bay isaga soo noqotay,maalintii labaadna isla sidii bay samaysay oo Wan labaad bay kayntii geysay si ay Libaax u siiso kuna gawracday meel meeshii shalay ay Wanka ku biraysay xagga Libaaxa uga dhaw,markay birtii marisayna way isaga timi,sidaas ayaannu Libaaxii maalintaa labaadna hilibkii wanka ee aannu u soo hawshoon isaga cunay.Maalin saddexaadii ayey haddanna wadaadii/Islaantii Wan saddexaad Kayntii gaysay oo meel aad Libaaxii ugu dhaw ku biraysay,Libaaxii oo aad kolka mooddo in uu ruuxan maalinkasta hilibka siinaya la qabsaday ayaa inta uu aadyar soo kacay markay wankii biraysay,dhiigii iska dhabaqsaday,islaantiina,ilayn maalinba maalinta ka danbaysa Libaax way baranaysee, mabay shidaysan oo wax cabsi ah mabay dareeminne, isaga oo isla maqan dhiiggii Wankana dhabaqsanaya ayey Middi yar oo ay siday intay gafuurkiisa u dhawaatay Shaarubihii in aannu dareemin oo iyadana dhib ku keenin ka goysay,intay iyada oo faraxsan faraqa ku guntatay ayey xaggii reerkeeda isu siidaysay,maalintii sidaa ayey farxdi ugu dhammaatay,subaxdii maalintaa xigtay ayey isu siidaysay Wadaadkii xujadan aad ka u adag soo faray,ilayn waa ruux faraxsan oo xujo adag oo guudkeeda saarneyd iska ridee,siday usii boodaysay waxay gaadhay Maqaamkii wadaadku deegaanka ka degennaa,isaga oo barqaysatay oo ku tiirsan darbi duuga ah ayey irridda uga gashay,bariidadii intay ilawday ayaa intay hortiisa si deg deg ah usoo fadhiisatay dhixidhkeedana furtay ayaa waxay tidhi “wadaad waa kuwan shaarbihii Libaaxa ee aad ii dirtee qardhaastii ii same intaannu odaygu ila guursan”.

Awgii oo gabadhan kartideeda iyo dhiiranideeda la yaaban ayaa hadal degan oo waanno diinneed u badan hadalkiisii ku bilaabay,faa’iidada lamaanaha iyo wada joogitaan kooduna leedahay ayuu uga sheekeeyey, waxa uu waanadii wadaba waxa uu hadalkii ugusoo gebo gabeeyey,dumaroow raggiina waad kasban kartaan,dawadoodan meel kale haka dayinnee dedaala oo isu daya in aad soo dhawaysatan rafiiqiina weeyaan, waxa uuna ku tiraabay “adiguna gabadheey Libaax dad qaad ah oo dhibaatadiisa uu aadamaha ku hayo aynnu ognahay baad sidaa ula macaamishay oo aad soo dhawaysay dabadeedna aad Shaarbihiisa oo afka uu dadka ku gumaado ku dul yaallo aad in kamid ah kasoo goysee ma odaygaaga oo Aadame kula mid ah baanad soo dhawaysan karin” waxa aannu sii raaciyey xeelad kasta oo aad odaygaga ku kasban karto same,sidaad libaaxaba u kasbatay ee aad isugu aamintay.Waxa uuna hadalkiisii kusoo afmeeray sidaad Libaax usoo dhawaysay odaygaaga usoo dhawee.

Qalinkii ‘Qoraa Muxiyadiin Jaamac Xirsi

Hargaysa Somaliland