DAAWO:Wafdi Culus ka socda Dalka Qatar oo Tagay Dekedda Magaalada Hobyo ee Dalka Somalia

Degmada Hobyo ee dalka somalia ayaa waxa maanta gaadhay wafdi ka socda dalka Qatar oo maalintii shalay gaadhay xarunta maamulka somalia ee Muqdisho, kuwaa soo indha-dheyn iyo qiimeyn ku sameynaya dekedda qadiimiga ah Hobyo.

Wafdiga ayaa la sheegay in ay daneynayaan maalgashi ay ku sameeyaan dekedda Hobyo oo , islamarkaana u baahan dib u habeyn ilagu sameeyo.

Waftigan oo shalay Muqdisho yimid ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha maamulka Somalia Kheyre oo ay kala hadleen sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dekadaha Somalia qaarkood.

Maamulka somalia ayaa si wayn usoo dhawaynaya maalgashiga dalalka Turkiga iyo Qatar ,halka ay xasaasiyad wayn ka muujinayaan maalgashiyada dawladaha  Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga.

Gnet