Waraabe Dhibaato Wayn Ku Haya Deegaannada Taleex

Taleex (GNN):- Dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool

baadiyaha degmada Taleex ayaa sheegaya inay dhibaato ku qabaan dhurwaa maalintii soo weerara xoolaha.

Dadkaas ayaa BBC-da u sheegay in dhurwaayadaasi aysan xataa ka cabsaneynin dumarka iyo carruurta.

Waraabe Dhibaato Wayn Ku Haya Deegaannada Taleex

 

 

Waxaana taasi ay keentay in xoola dhaqatada ay qataan hubka, si ay isaga dhiciyaan dhurwaaga oo fara ba’an ku haya xoolahooda.

Xasan Maxamed Jaamac wuxuu kamid yahay dadka kunool aaga degmada Taleex, wuxuuna dhibaatada ay ku qabaan dhurwaaga uga warramay wariye Axmed Cawil oo ku sugan Garoowe.