Citiraafka Somaliland Halagu Qanciyo Saudi Iyo Wadamada Islaamka. W/Q: Abdishakur Gande

Madaxwayne Kuxigeenka JSL Oo Boqortoyada Sucuudigu Ka Helay Martiqaad meeqaamkiisu sareeyo oo maamuus dawladnimo iyo milgo sare leh ayaa markale boqorka sucuudigu ku marti qaaday Qado sharafeed maanta oo kale sanadkii mar ku maamuso madAxda dawladaha muslimka ah ee soo Xajida. Iyadoo mar hore na ay soo muuqatay markii ugu horayse inta Madaxwayne Xigeenka JSL joogo sucuudi ula macaamilay xidhiidh dawladnimo balse sida ka muuqatay kaadhka aqoonsiga Madaxwayne Kuxigeenka JSL ee xujaajta oo lagu marti galiyay Somalilander-nimo.

Masha allah… arintan ayaa qayb wayn ka ah milgaha dawladnimo ee Somaliland uu Sucuudigu u muujiyay Al Xaaji Cabdiraxmaan Saylici Madaxwayne Kuxigeenka JSL.

Libaax yar oo dhal ah baa Aabihii waydiiyay; Aabo, sidee lee ugaadhsadaa?. Libaaxi waynaa baa intuu jeenigii libaaxa yar intuu cantuugay ugu jawaabay Aabo ugaadhsigu waa sidaa oo lagu adkeeyay. Hadaba aqoonsiga Somaliland wuxu ku jiraa geediga Madaxwayne Kuxigeenka JSL hogaaminayo oo la adkeeyo