Deg Deg Daawo Roobab Mahiigaana Oo Watey Dabaylo Iyo Dhagaxyaale Oo Xaley Ka Da,Ay Magaalada Gabiley Iyo Khasaaraha Oo Sahlan

Gabiley(GNN)Magaalada Gabiley Iyo Guud Ahaanba Gobolka Gabiley Waxa Loogu Yeedha Gobolka Cagaaran Iyado Gobolka Gabiley Uu Illaahay Ku Maneysta Waxsoosaarka Dalaga Beeraha Caradaiisuna Ay Unugushahay Waxsoosaarka Beeraha, Magaalada Gabiley Iyo Nawaaxigeeda Waxa Xalay Ka Da,ay Roob Mahiigaana Oo Watey Dabaylo Iyo Dhagaxyaale Ha Yeeshee Khasaarahu Maaha Mid Nafeed Waxa Xaafadaha Magaalada Gabley Qaarkood Lagso Sheegayaa In Dhawr Guri Uu Ka Qaday Jiingadaha Xaga Dhiishash Badan Uu Dhaqaajiyay Soona Ridey,Sido Kale  Qoryaha Ama  Biitooyada  Ay Maraan Xadhkaha Laydhka Ayaa Iyana Liicay Walaw Markiiba Shirkadahu Ay Hagaajeen , Iyado Maanta Oo Kale Ay Mashquul,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Yihiin Shaqaalaha Ka Shaqeeya Dhiishashka Maadama Ay Dhiishashkii Wada Dhaqaaqeen,

Robabkan Waawaeyn Ee Habeenkii Xalay Ahaa Maansheeyay Magaalada Gabiley Ayaa Da,ayay Ku DHawaad Saacad  Waxana Lagu Tirinayaa In Uu Ka Mid Yahay Roobabkii Ugu Waynaa Ee Ka Da,a Magaalada Gabiley Iyo Agagaarkeeda,

Roobabkan Mahiigaanka Ah Ee Ka Da,Ay Magaalada Gabiley Inta La Oagyahay Khasaaraha Bulshada Soo Gaadhay Waa Mid Sahlan Oo Lagaso Kaban Karo Gobolka Gabiley Wuxu Liiska Hore Kaga Jiraa Gobolada Ugu Roobabka Badan Somaliland Waxana Loo Aaneeya Inuu Yahay Gobol Khayraadka Dabiicga Ah Hodan Ku Ah,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET