Fadlan Ka Qaybqaado Tabarucaadka loo ururinayo Agoontan dhibaatada adag ay ku timid ?

ACW  Muwaadin

 

Reerkan Ilma Cabdillaahi Xuseen waxay ka mid ahaayeen bulshadii sida fiican ugu noolayd tuuladan Cabdi-Geedi duufaankii Cyclone Sagar ka hor. Allah ha u naxariistee carruurtan aabahood ( marxuum Cabdillaahi) wuxuu geeriyooday mudo yar ka hor duufaankii, waxaanu halkan kaga tagey afar carruura oo ka ugu weyn yahay toban jir iyo hooyadood Deeqa Garaad. Mudo yar kadib geeridiisii, waxaa reerkii iyo tuuladiiba ku dhuftay duufaankii oo burburiyey gurigoodii iyo 48 guri oo tuuladan ka koobnayd, malcaamaddii, Iskuulii, biyihii, isgaadhsiintii iyo adeegii bulshada oo dhan. Nasiib wanaag, 4tii carruur ahaa iyo hooyadoodba Ilaahay ayaa ka badbaadiyey waxyeeladii duufaankii. Markii uu burburay gurigoodii waxay meel ku waabteen buul yar oo dhir iyo qoryo laysku geegeeyey ah. Habeen dhaweyd (Laba wiig ka hor) iyagoo buulkii yaraa hor hurda ayuu waraabe usoo dhacay, waxaanu cunay wiilkii ugu weynaa carruurta ee toban jirka ahaa. Waraabuhu intuu madaxa wiilka yar ka buuxsaday ayuu ula orday xagga kayntaa – qayladii wiilka markay dadkii tuuladu maqleen ayey eryadeen waraabihii kana soo rideen wiilkii oo dhaawac xun madaxa uu ka gaadhay. Waxaa markiiba loola orday Djibouti, nasiib daro maalmo yar kadib ayuu ku geeriyooday Djibouti. Shalay markii aan sawiradan ka qaadayey hooyo Deeqa Garaad iyadoo casho yar geed hoostii ugu samaynaysa 3-dii carruur ahaa ee uga soo hadhay qoyskeedii wallaahi waan murugooday – waxaa ii muuqatay hooyo reer Somaliland-da oo cidlo la fadhida saddex carruura oon tamar iyo awood ay guri yar waraabaha ugaga dhisto carruurtaa aan lahayn. Waxaan weydiiyey markii waraabuhu usoo dhacay sidii wax u dheceen, waxaanay iigu jawaabtay ‘’ markuu waraabuhu wiilka la booday waxaan is idhi ka daba orad se saddexdan yaryar baa isku kay maray naxdintii oo waan dhaqaaqi kari waayey, wiilku wuu qaylinaayey oo wuxuu lahaa hooyo iga rid, hooyo iga rid, qayladiisii ayuu dadkii ku tooseen oo laga soo riday, se maxaa ka dana mar haddii an waayey wiilkaygii‘’. Waxaa hubaala inay cabsi iyo naxdin habeen walba ku seexan doonaan inta ay jiifaan cidladii waraabuhu ku cunay wiilkoodii curad.

 

Qoraalkan iyo sawirada agoontan markii aan social media galinay maalmo ka hor si bulshada Somaliland u ogaato arinta naxdinta leh ee ku timid waxay noqotay arin mushtamac badan oo reer Somaliland ka xumaado, dad bandanna ay ku baaqeen in la gacan qabto carruurtaa tabaruc degdega loo ururiyo si loogu dhiso hoy ( Sandaqad ) si ay u helaan meel ammaana oo ay galaan – Waxaanu wadnaa ururintii tabarucaa $2000 illaa $2500. Waxaan kaa codsanaynaa inaad nagala qayb qaadato, waxaad kaga qayb qaadan kartaa Lacag ama qalab dhisme ( Jiingad, Sibidh ama Loox). Waxaanu illaa hadda ururinay tabaruc $1000+

 

Waxaa Tabaruca agoonta lagu ururinayaa:

Account No.D6783 ama ZAAD 0633281866 , Magacu waa Mohamed Mohamoud Mohamed, Tele:0633291866.

 

Tix gelin

 

Axmed Kadleye

Gudoomiyaha

Gudida isku xilqaantay caawinta qoyskan

Tele. 0633291866, WhatsApp 00447958028138, Hargeysa, Somaliland.