WARARKA




Imaaraadka oo Sheegay in Somaliland ay Tahay Dalkii Afaraad ee ay Maalgashi Toos ah Ku Sameeyaan

Xukuumadda Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in ay Somaliland tahay waddanka afaraad ee ay maalgashi toos ah ka sameeyeen sannadkii la soo dhaafay 2017, sida lagu baahiyey qoraal dalkaasi soo saaray.

Wasaarada arrimaha dibeda Imaaraadka Carabta ayaa soo saartay warbixin lagaga hadlayey heerarka maalgashiga dalkaasi caalamka ka sameeyay sannadkan ayaa lagu sheegay in dalka Sacuudigu yahay waddanka koowaad ee ay maalgashadaan, halka dalalka Kanada iyo Hindiya ay kaalmaha labaad iyo saddexaad kaga jiraan, halka dalka Somaliland na uu kaalinta afaraad ka galay, ugu dambayna dalka Masar kaalinta shanaad ku jiro.

Qoraalka xukuumada Imaaraadka ayaa lagu sheegay in maalgashi xaddigiisu gaadhayo $ 0.86 Bilyan ay geliyeen dalka Somaliland, halka $ 0.36 Bilyan ay geliyeen dalka Masar, inkasta oo la saadaalinayo in sannadaha soo socda uu kordho maalgashiga Imaaraadka Carabtu gelinayaan Somaliland.

Inkasta oo warbixinta wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka aan lagu sheegin meelaha hantida maalgashigooda Somaliland ku baxday ayaa dhinaca kale, guud ahaan maalgashiga ay shanta waddan ee ugu sarreeya geliyeen ka kooban yahay dhinacyada horumarinta dekedaha, dhismahaasha, macdanta, tamarta la cusboonaysiiyey, arrimaha ganacsiga iyo dhinacyo kale.

Ugu dambayn warbixintan oo aan meelnaba lagaga xusin maalgashi dalkaasi ku sameeyey dalka Soomaaliya ee jaarkeena, ayaa wax badan ka tari doonta korodhka maalgashi dibeddeed oo Somaliland ka hesho caalamka, isla markaana sahli doonta in wadammo badan oo caalamka ahi ay ku soo dhiiradaan inay maalgashi ku sameeyaan, maqalka ama aragtida xogtan Imaaraadka ka dib.