Gabaygan waxaan curiyey anigoo ah Mukhtaar Xasan Diiriye, ahna Musharax u taagan Doorashada Golaha DeegaankaGabaygan waxaan curiyey anigoo ah Mukhtaar Xasan Diiriye, ahna Musharax u taagan Doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa 2019, Habeenkii ugu horaysay ee aan shaaciyey innaan ahay Musharax Muddo haatan laga joogo 8 Billood ka hor. Haddaba, Gabaygani wuxuu Halkudhig u yahay Musharax-nimadayda, wuxuuna ka kooban yahay 187-beyt ama sadar.
Ka dalkii ka maqanoow Dumarkiyo caruurtaay Duqaydiyo wax garadkoow Dhalintaa da’da yareey Ardaydii dugsiyadaay Ubixii dillaacoow Sallaan diiran iga hoo Danta aan wadaagneeDuco iga gudoonoo Doorkan daacad ii noqo Darafkaaga ila qabo Igu dooro diin iyo Aqoon iyo dadaal badan Hadduu ruux ku dagi jiray Ama kuu daraan jiray Ka dal doorso maantaba Digo-rogoshadaadana Ku salee damiir wacan Dhul Mayay ku da’ayoo Dooxooyin badanoo Mulacyeeyay daadoo Dalagii intuu baxay Dooguna cagaar yahay Cadceeduna dalaalimo Daaha saaray hoosiis Dhulku diirimaad yahay Aan soo dalxiisnee Dawashada ka bogonee Aan wada dakaynee Aan soo dal baranee Wadankeena dahabka ah Dacalkiisa bari iyo Ka galbeed dawaafnee Doonteenan soo raac Dadka kalena soo saar Waxa doonta kuu wada Naakhuude daacada Oon daayac lagu xaman Kala yaqaan dariiqyada Doonyuhu maraanee Ay kuna badbaadaan Qudcur dama habeen galay Daruuruhu isgaadheen Dacalada u faafeen Cirka sare dabooleen Xidigihii dariiqyada Daliil looga dhigan jiray Iyaguna dahsoomaan Ruux diirad saariyo Ka indhihiisa daaraba Inuu daalo mooyee Daalacasho ka dheertahay Ooy dadkii korkeediyo Dusha sare ka saaraa Cabsi ay dareemaan Naxdin ay darsaanoo Markay dariiqa seegaan Ay dalaal u baydhaan Dowbixiye doonaan Ka u dooran baan ahay U dadalayaan ahay Ama ay dabaylaha Duufaanta wadataa Doonyaha asqeeyaan Darbiyada dhirbaaxaan Mawjaduhu duqeeyaan Ee ay dakaantee Hadba dhinac u duushee Laga dayrinaayee Mid kastaa ducaystee Danbidhaaf la doonee Dikri Eebbe loo go’o Suuradaha diwaalkiyo Sida daaha lagu xusay Kii xaqa dafiri jiray Ashahaado doorbido Ruux dulqaad’le baan ahay Aayar dowga marin kara Oo daadahayn kara Dabaalyahan u tababaran Danyartiyo agoomaha Nin daryeelayaan ahay Caasimadan dulowdee Doc kastaba ka qudhuntee Darbijiifku buuxiyay Dibidii dalkeeniyo Lagu dhaqay dameeraha Deegaankan baaba’ay Buuxsameen duleedyadu Dagaladan xashiishka ah Een cidi danaynayn Ruux daryeeli baan ahay Dalka daalinbaa rogay Danta gaara doorbiday Daacadnimo ka dheer tahay Damiir-laawayaal dhaba Dusha sare wanaag iyo Daacad baa la moodaa Doofaarku waligii Durdur kasta hadduu galo Ku dabaasho webiyaal Abidkii ma daahiro Waxa iga dardaarana Inaad dareen lahaataan Oo duruus ka barataan Wixii daraad la soo maray Waxa aan dalbanayaa Indoorkan maanta ah Dusha laygu qaadoo Daacad lay ahaadoo Lay tumo durbaanada Waxaan dood u lee’yahay Inta aanu daris nahay Intii aan wax soo baray Ee dadaalka miidhana Ee duruusta loo dhigay Dadka gabi dhamaantood Ruux dood i tari kara Mid difaaca gali kara Dirham ruux isiin kara Codka dalaq dhammaantiin Mid kastaa dadaalkii Haka geysto door culus Intaa waxaan ku darayaa Oo digniin u dirayaa Dhammaan daalin cadowgay Kuwa libinta iga dura Ee sida dameeraha Aayar soo danaaniya Ee soo dinaahiya Ka damiirka liitee Isagu aan wax doonayn Een hadana ku daynayn Waa laga danbeeyaha Dadkalow addeegaha Sida Eyda loo diro Waa damiine yeelkii Dabadhoonku gara oo Dawdar geela raacoo Oon u diir naxay buu Degta ugu xamaalaa Ama ruux ku dabagala Dibindaabo kugu haya Kuwa daaha dabadii Wuxuun docadoceeyee Een dabadda iman karin Doodiisa odhan karin Ee laba dabqaadka ah Ee uurku daban yahay Shimbirtii dawaaftee Duul-duulka badisaa Dalqa libaax maruun bay Aayar dalaq tidhaahdaa Xadhkaheed doqontuba Suxuladay ku duubtaa Igu daba tidhaahdaa Daldalaada jamataa Igu dila tidhaahdaa Danbarkeedu waakaa Ruux didibso lagu yidhi Oon wanaagu deeqayn Mar buu dacarta leefaa Deebaaq dhadhamiyaa Haadaan ka duulaa Uma sina nin daacadi Iyo ruuxi daalini Deeqaha illaahay Illaah daa’inaa jira Illaah deegsiyaa jira Alle aan dulmi aqoon Dadka uumay kaligii Daabbad oo dhan quudiya Allahayoow daraadaa Adigaa dulqaad’lee Dunuubtayada noo dhaaf Ducadayada noo yeel Naga deyr wixii daran Wixii dooran noo yeel Dariiqaaga noo Sakhir Daartii Firdowsiyo Janadaada dooga ah Noogu daasha-daashee Kuwii daaqa naga yeel Aamiin dadoow dhaha Yay ku seegin ducaduye.
Maansadan Waxa Tiriyey. Abwaan Mukhtaar Xasan Diiriye Mukhtar_hasan@hotmail.com Telefoonka:- 063-4405173 |
|
||