C/raxmaan Maxamed Sheekh oo udhaqdhaqaaqa Arimaha Bulshada oo kana mida dhalin yarta kasoo jeeda Gobolka Gabiley gaar ahaana Degmada Arabsiyo ayaa deeq buugaag ah gaadhsiiyey Maktabada Akhriska ee Magaalada Arabsiyo
Munaasibad kooban oo ka dhacday Xarunta Library ayaa waxa ka qayb galay maamulka Maktabada Arabsiyo ,Aqoonyahan iyo qaybo kamid ah Bulshada ku dhaqan Magaaladaas.
Ugu horayn munaasibadani waxa ka hadlay C/raxmaan oo ka warbixiyey deeqdan buugaagta ah isagoo sheegay in ay ka kooban tahay 80 buug kuwaasi oo ah kuwii ugu danbeyey ee laga qoro Siyaasada,Dhaqaalaha ,Doorashoyinka ,Taariikhda Suugaanta Somaalida Iyo Taariikhda Somaliland , waxaanu intaasi ku daray C/raxmaan Maxamed Sheekh in aanay deeqdani ahayn tii ugu danbaysay ee ay tahay bilow markastana uu wixii lagu dhiiri galinayo da’ayara ku dhaqan Magaalada Arabsiyo dhankiisa ka tageeri doono.
Waxaanu baaq udiray aqoonyahanka iyo dhamaaanba bulshada qaybaheeda kala duwan sidii ay uga soo qayb qaadan lahaayen library Arabsiyo
Axmed Khadar C/laahi Muxumed oo kamid ah Guddida Maktabada ayaa uga mahadnaqay C/raxman Maxamed Sheekh deeqda Buugaagta ah ee uu soo gaadhsiyey ,waxaanu sheegay masuulkan ku hadlayey Afka Guddida Library –gu in C/raxmaan tusaale fiican iyo dhiiri galin u yahay dhalinyarada ku abtirsada Degmadaas oo loo baahan yahay inay kaga daydaan talaabada wanaagsan ee uu sameeyey.