Mustafe Muxumed Cumar oo Loo doortay Madaxweynaha DDSI+Madaxweynihii Hore Oo Ka Hadlay Soona Dhaweeyey.

DDSI(GNN):-Warraka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Mustafa Muxumed Cumar loo doortay madaxweyanaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

Kulamo u socday xubnaha golaha fullinta ee dowlada deegaanka soomaalida ee Itoobiya ayay Mustafa Muxumed Cumar u doorteen inuu noqdo madaxweyanaha kumeel gaadhka ah ee u yeelanayo maamulkaasi.

Madaxweynihii hore dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee dhawaan xilka loo dhiibay ayaa waxaa uu ka hadley xilka qaadista deg deg ah ee lagu sameeyay iyo sababaha keenay.

 

Halkan hoose ka daawo muuqalka

Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar islamarkaasna lasoo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed.