Somaliland-Wasaarada Horumarinta Maaliyada Oo Markii Ugu Horesay Lasoo Degtay Qalab Cusub Oo Lagu Kobcinayo Dakhliga Dalka.

Hargeisa(GNN):-Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Ayaa Shaacinta Munaasibadan Wasaaradu Kusoo Bandhigaysay Qalabkan Casriga Ah Ku Qabatay Xarunta Wasaarada Horumarinta maaliyada Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Waaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Masuuliyiinta Waaxyaha Cashuuraha ee Wasaaraddaas, ayaa maanta si wada-jir ah u soo bandhigay qalab cusub oo Hab casri ah u shaqaynaya oo lagu qaadi doono Cashuurta qaarkeed, isla markaana qaybta koowaad la hirgeliyey oo online ahaan iyo elagtaroonik ah oo lagu bilaabay hadda 140 Meheradood oo Hargeysa ku yaalla iyo nidaam kale oo ay Hay’addaha dawladdu kharashaadka kaga dalbanayaan Wasaaradda Maaliyadda iyo sidoo kale adeeg lagu ogaan karo xaddiga lacagta Meheradaha soo gasha iyo cashuurta ku waajibta-ba.

Shir Jaraaid oo uu Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi ku qabtay Xarunta Xafiiska Cashuuraha Berriga Wasaaradda horumarinta Maaliyadda ee magaalada Hargeysa, waxa uu kaga warbixiyey Qalabkaas iyo adeegga lagu fulin doono, iyaga oo markii dambena mid mid u galay qolalka qalabkaasi ku rakiban yahay, Mid walbana Masuulka qaabbilsani Sharraxaad ka siiyey Wasiirka.

Qalabkan Cusub ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Lasoo Degtay Iyo Sida Uu u Shaqeynayo Halkan hoose Kagaga Bogo.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network

Contactgabileynews@gmail.com