War Deg-Dega-Madaxweynihii Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia Oo Hadda is Casilay.

Addisababa(GNN):-Wararka Naga Soo Gaadhaya jigjiga Ayaa Sheegaya in Goor dhaweyd uu xilkii uu Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ka hayay iska casilay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana fadhi ay isugu yimaadeen  Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u Magcaabay Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida itoobiya Axmed Cabdi Maxamed.

arrintan ayaa ka danbaysay ka dib markii Xukuumada Federaalka Ethiopia ay culays xoog leh ku saartay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar in uu xilkaasi ka dego.

Waxaana Saacadihii u Danbeeyey Gacan Ku haynta Amaanka Magaalada Jigjiga La Wareegay Ciidamada Federaalka ee Dawlada Ethiopia oo Maalintii Shalay Dib Uga Baxay Kadib Markii doraad ay Ka Dhaceen Rabshado Sababay Dhimashada Dad Rayid ah oo Ku Dhow Ilaa Tobaneeyo Qof.

warkan oo faahfaahsan Kala Soco Gabiley News.