4 Sanno Kadib Maanta Oo Kale Maxaa Is Bedelay Dilka Hogaamiyihii Mayalka Adkaa ee Kooxda Alshabaab.

Afar sano ayaa ka soo wareegatay markii Diyaaradaha aan cidna wadin ee Mareykanka duqeyn ay ku dileen Hoggaamiyihii Shabaab Axmed Cabdi Godane oo Shabaab ay u garanayeen Abuu Zubeyr.

Dilkiisa wuxuu dhacay maanta oo kale 1-dii Bishii September, sanadkii 2014-kii xilligaasi oo gaadiid uu saarnaa Abuu Zubeyr duqeyn xoogan lagula eegtay duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabelllaha hoose.

Duqeyntaasi waxaa fuliyay Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo gantaal culus ku dhuftay gaarigii uu saarnaa Abuu Zubeyr iyo illaalo la socotay iyo darawalkiisa oo halkaasi ku dhintay.

Shabaab duqeyntaasi markii lagu dilay Abuu Zubeyr horay kama aysan shaacin geeridiisa, balse maalmo kadib waxa ay qirteen inuu duqeyn ku dhintay Abuu Zubeyr oo ahaa Hoggaamiyihii Shabaab ee mudada dheer gacanta birta ah ku soo hagaayay Shabaab.

Lix maalmood kadib Golaha Shuurada Shabaab waxa ay u fariisteen Shir ay isugu yimaadeen Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo lagu go’aamiyay in Amiirka Shabaab loo magacaabo Axmed Diiriye, balse Shabaab u garanayaan Sheekh Abuu Cubeyda.

Hogaamiyaha Shabaab illaa hadda waa Abuu Cubeyda oo ka hor inta aan la magacaabin xilal kala duwan ka soo qabtay Shabaab dhexdooda.

Saraakiishii la soo shaqeysay Axmed Godane waxa ay ku tilmaameen nin mabda’ adag oo xittaa saaxiibadiisa qaar dilay, kadib markii ay isaga hor yimaadeen mabaadiida dagaalka Shabaab, waxaana ka mid ahaa xubnahaasi Ibraahin Afghan oo saaxiibo dhaw ay ahaayeen Axmed Godane.

Kadib geerida Godane Shabaab waxa ay sii wadeen dagaalka ka dhanka Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom oo ay kordhiyeen, walina waxa ay wadaan dagaalka.

Shabaab ayaa sameeyay Jabhad gaar ah oo lagu magacaabo Sheekh Abuu Zubeyr, taasi oo ka dagaalanta Gobolada dalka Somaliya, islamarkaana weeraro kala duwan ku qaada fariisimiada Ciidamada.

Awooda Shabaab iyo dagaalka ay wadaan afar sano kadib geeridii Abuu Zubeyr wali waxba iskama badalin, inkastoo ay jiraan Saraakiil Sar sare oo Shabaab ka tirsan oo ka soo baxay Shabaab, waxaana ka mid ahaa Muqtaar Roobow oo horayba isku hayeen Abuu Zubeyr.

Muqdisho Office

Gabiley News Network.