Cabsi awgeed qoyskaaga maka maqnaan lahayd in ka badan 20 sanno
Axad, September, 30, 2018 (GNN) – Feysal Mursal Warsame oo xubin ka ah ururka ONLF , ehelkiisa ma uusan arkin muddo 22 sannadood ah, wuxuuna ka qaxay magaalada Wardheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida sannadkii 1994-tii halkaas oo uu dagaal ka dhacay oo ay dad badan ka qaxeen Wardheer.
Feysal wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dib ula midoobo ehelkiisa kaddib sannado badan oo ay soo mareen cabsi iyo argagax ay kala kulmeen maamulkii hore, maadama uu isagu kamid ahaa jabhadda ONLF oo muddo dheer dagaal kula jiray dowladda Itoobiya.
Wuxuu sheegay in magaaladii uu ku dhashay ay ugu war dambeysay xilli uu socday dagaal, markaasina ay gubanaysay,dhaawacyo iyo maydad ay jireen balse maanta xaaladdu ay ka duwan tahay maalinkaasi.
” Maalintii aan ka baxayay magaalada Wardheer waxay ahayd maalin dagaal socday, dagaalkii Wardheer ee 1994-kii dhacay ee caanka ahaa ayay ahayd, magaalada qaar way gubanaysay dhaawac iyo mayd wax walbana way yaalleen, qaybo kamid ah magaaladana waa laga qaxayay, maanta marka aan kusoo noqday magaalada nabadgelyo ayay ahayd” ayuu yiri Feysal Mursal.
Wuxuuna sheegay in muddo dheer ay sugayeen isbaddallada haatan ka curtay Itoobiya oo isaga iyo dad kaleba u horseeday inay dib ugu laabtaaan deegaannadii ay kasoo jeedeen.
Feysal wuxuu sheegay in cabsi ay lasoo deristay qoyskiisa oo ku noola Wardheer intii uu ku noola Mareykanka.
” Telefoonka runtii cabsi buu ahaa,marar badan marka aad waalidka lasoo hadasho waxay noqonaysay inay telefoonka ay iska jaraan si aanan loo maqlin iyagoo ku hadlaya codkooda, argagax iyo dhibaato badan oo waddankan ka dhacay oo aan lasoo koobi Karin ayay kamid ahayd” ayuu yiri Feysal Warsame oo u warramay weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheek Maxamed Xikam.