[Deg Deg ]:- Itoobiya Oo War Ka Soo Saartey Cida Dishay Injineerkii Biyo Xidheenka Abaay +{Akhriso}

Addis Ababa (Ilays-News):- Warbixin hordhac ah ayaa lagu

ogaaday in uu is dilay injineerkii Itoobiyaanka ahaa Simegnew Bekele ee madaxda ka ahaa mashruuca biyo xidheenka Abaay ee ay ku kacayso $4.7 bn, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda lala xidhiidhiyoee Fana.

 

“Isgaa is dilay” ayay dhaheen booliiska oo shir jaraa’id qabtay.

Maydkiisa ayaa laga helay gaari yaalla barxadda Masqal Adhabaabay ee bartamaha magaalada Addis Ababa 26 July

Biskoolad ayaana laga helay gaadhigiisa.

Warka geeridiisa ku saabsan ayay shacabku aad uga guuxeen, waxaana jirtay cabsi laga qabay in la khaarajiyay.

Injineer Simegnew ayaa masuul ka ahaa mashruuca biyaxireenka Abaay tan iyo markii la billaabay 2011.

Biyo xidheenkan oo laga dhisayo gobolka Benishangul-Gumuz oo xad la leh Suudaan ayaa dhalin doona 6,000 oo megawatt oo koronto ah, sida ay sheegtay dawladda Itoobiya. Wuxuuna u dhigmaa awoodda koronto ee laga dhalin karo lix warshadood oo ah nooqa nukliyeerka ka dhaliya quwadda korontada.

Wuxuuna qayb ka yahay maalgalin 12 bilyan ah oo lagu ballaadhinayo awoodda korontada.

Biyo xireenkaas ayaa adeegsan doona biyaha wabiga Niil ee Itoobiyana looga yaqaanno Abaay.

Masar ayaa ka soo horjeedsaday dhismaha biyo xidheenkaas iyada oo sheegtay in uu meel uga dhacayo heshiis la gaadhay wakhtigii gumaysiga, kaas oo xaq u siinaya in ay adeegsato 90% biyaha wabiga Niil.

GABILEY.NET