Diyaarad milatari Oo Ruushka Leeyahay Oo Lagu La Yahay Badda Mediterranean-ka

Ruushka ayaa sheegaya in mid ka mid ah diyaaradihiisa oo ay saran yihiin 14 askari lagu la’yahay badda Mediterranean-ka .

Warbaahinta Ruushka oo soo xiganaya wasaaradda gaashaandhigga ee Rushka ayaa sheegaya in diyaaraddaasi la waayay xilli diyaaradaha Israa’iil ay duqeymo ka geysanayeen gudaha dalka Suuriya.

kale daba socday gantaal laga soo tuuray markab dagaal oo laga leeyahay Faransiiska.

Mas’uul ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay rumeysan tahay in diyaaraddaasi ay soo rideen ciidamada Suuriya oo ka jawaabaya duqeymaha diyaaradaha Israa’iil.

Gantallo ayaa shalay lagu garaacay magaalada Latakia oo ay haysato dowladda Suuriya, mana jirin cid sheegatay mas’uuliyadda gantaalladaasi.

 

 

Source:-BBCsomali