Indonisia: 832 qof oo ku geeryooday dhulgariirkii jasiiradda Sulawesi

Dad badan ayaa la sheegay in ay ku xayiran yihiin dhismayasha dumay,halka dhaawaca uu gaarayo in ku dhow kun,kuwaas oo badankood lagu daweynayaa Isbitaal ay ciidamadda leeyihiin oo Palu ku yaalla.
Dad badan oo magaalada jimcihii  duufaanta burburisay ku noolaa waxaa hoy u ah waddooyinka.
Ha’yadda laanqayrta cas waxay ku qiyaastay in 1.6 milyan qof ay waxyeelleyn kasoo gaartay masiibada.
Jusuf Kalla ,madaxweyne ku-xigeenka Indonesia wuxuu sheegay in tirada dadka ku dhintay dhul gariirka iyo duufaanta ay gaari karto kumannaan.
Madaxweynaha Indonisia Joko Widodo ,ayaa maanta gaaray jasiiradda Sulawesi,si uu u qiimeeyo xaaladda dhulgariirka iyo dhibaatada gaartay dadka iyo deegaanka.
Dad aad u farabadan ayaa laga soo badbaadiyay dhismayaasha burburay hoostooda,waxaana ka mid ah haweeneey xalay laga soo helay burburka hoteel Roa-Roa,halka wali shaqaalaha gurmadka deg deg ah ay gacmaha ku qodayaan burburka si ay dadka uga soo saaran dhismayaasha burburay magaalada Palu.
Dalka Indonesia oo ku yalla badda Pacific inta badan waxaa ku dhufta dhul gariir.
GABILEY.NET