Madaxweynaha oo Daah-furay Xog Ururinta iyo Tiro-koobka Hantida Maguurtada ah ee Dawladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01-09-2018, Daah-furay Xog Ururinta iyo Tiro-koobka Hantida Maguurtada ah ee Dawladda oo ay wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeyntu ka samayn doonto gobolada Somaliland oo dhan.

Xogtaas oo noqon doonta mid lagu keydiyo hantida dawladdu leedahay ee ma guurtada ah, waxaana munaasibadaasi oo lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland ka soo qayb-galay, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Agaasimaha Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Md. Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimaha Madaxtooyada JSL, Md, Maxamed Cali bille, masuuliyiin kala duwan iyoย hawl-wadeenada wasaaraddaasi.

Reach US At :

00252634243848

XULASHADA GNN





Documentary ka hadlaya Dib-u-dhiskii Somaliland

Shirkii Tawfiiq ee Sheekh 1992