Markab isbitaal ah oo laga leeyahay Dalka Shiinaha Ayaa Ku Xirtay Dekad Ku Taalla Waddanka Venezuela

(GNN) Markab isbitaal ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa ku xirtay dekad ku taalla waddanka Venezuela, halkaasoo uu muddo hal usbuuc ah bukaannada shacabka ah ugu fidin doono adeegyo caafimaad oo bilaash ah.

Wasiirka gaashaandhigga ee dalka Venezuela ayaa tagay dekadda La Guaira, si uu u soo dhaweeyo shaqaalaha Shiineyska ah.

Waxa uu wasiirku sheegay in booqashada uu ku yimid markabka oo lagu magacaabo Peace Ark ay qeyb ka ahayd heshiisyo uu soo sameeyay madaxweyne Nicolás Maduro, mar uu isbuucii la soo dhaafay booqasho ku joogay magaalada Beijing.

Dowladda Venezuela ayaa markaas oggolaatay iney kordhiso saliidda ay u dhoofiso Shiinaha, taasoo ah mid ka mid ah wax soo saarkeeda ugu weyn.

Wasiirka difaaca ee Venezuela Vladimir Padrino Lopez (midig) ayaa amaanay talaabada uu shiinuhu qaadayLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionWasiirka difaaca ee Venezuela Vladimir Padrino Lopez (midig) ayaa amaanay talaabada uu shiinuhu qaaday

Hoos u dhac dhaqaale iyo xasarado ka jira Venezuela ayaa sababay iney go’aan raashinka iyo daawooyinka, waxaana gabi ahaanba burburay hanaankii adeeg ee shacabka.

Mucaaradka dalkaas ayaa sheegay in joogitaanka markabka isbitaalka ah ee ka socda Shiinaha uu astaan u yahay sida ay xaalad bani’aadannimo uga jirto waddankaas.

‘Diblomaasiyad run ah’

Mr Padrino López ayaa dowladda Shiinaha uga mahad celiyay tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid saaxiibtinnimo ah, wuxuuna intaas ku daray in heshiiskan uu labada dalba faa’iido u yahay.

“Waa arrin lagu farxo in markabkaan uu joogo Venezuela, wuxuuna halkaan yimid ka dib markii uu ku soo safray in ka badan 40 waddan” ayuu yiri.

“Tani waxay muujineysaa sida looga run sheegay diblomaasiyadda, loona qaaday tallaabooyin wax ku ool ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Padrino López.

Dowladda Venezuela ayaa xasaradaha dhaqaale ee ka jira dalkeeda ku eedeysay cuna qabateyn caalami ah oo uu hor kacayo Mareykanka.