Faahfaahinta Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Degmada Hawl-Wadaag Magaalada Muqdisho Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca.

Faah-faahin ayaa kasoo baxday qarax xoogan oo maanta lagu weeraray xarunta maamulka degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Qaraxani ayaa waxaa ku dhintay saddex askari, halka ay ku dhaawacmeen 14 ruux oo ay lix ka mid ahi yihiin carruur.