TACSI Madaxwayne:Geerida Ku Timid Taliye Marxuum Cabdile ,Awgeed

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 11/09/2018

 

TACSI MADAXWEYNE

 

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Abdaal ee Gobolka Saaxil, Marxuum Laba Xidigle Cabdile Cabdi Dhimbiil oo ku geeriyooday Maanta oo ay taariikhdu tahay 11/09/2018, Shil Baabuur.

 

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu caafimaad Alle uga baryayaa inuu siiyo askartii la socotay marxuumka ee ku dhaawacan tahay shilkaa baabuur, oo ay gacanta ku hayaan xaaladooda hawl-wadeenada caafimaadku.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Exit mobile version