Waari Mayside War Ka kaa Hadho! Mujahid Maxamed Xasan ( Jidhif ) Qalinkii Mahamed Dhimbiil

Mujaahid Maxamed Xasan Jidhif Waa Halyey Dhiiran Marka ay Dagaal tahay Waana Taliyihii Ciidankii Mujaahidiinta ahaa ee SNM Gacantana ku Wada Dhigey Dhamaanba Xeebtii Galbeedka Jamhuuriyada Somaliland oo Dagaal aad U Qadhaadhi Ku Dhexmarey Ciidamadii Faqashta oo Hub Iyo Saannadba Ka Awood Badnaa Kuwa Mujaahidiinta SNM.

JIDHIF 2

Waa Ninkii Uu Qirtey Cabdicasiis Cali Barre in Uu ku jabiyey Dagaal Qadhaadh oo ku dhexmaray Xeebaha Somaliland mar isaga oo koonfur afrika jooga wax laga waydiiyey dagaaladii SNM uu la Galay.

JIDHIF 1

Mujahidku waxa uu leeyahay Aqoon Sare oo Military iyo khibrad uu Aqoon ahaan u bartay oo badan, waa aqoonyahan hayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ba la soo shaqeyn jirey intii dalka la qabsadey ka dib.

Muj Maxamed Xasan waxa Uu Aasaasay Ciidankii ugu horeeyey ee nabadgalyada loo yaqaanay Kuwaasi oo Xasiliyay nabadgalyada Somaliland  hadda ah Ciidanka Policeka jamhuuriyada Somaliland.

Muj jidhif mar waxa uu Noqdey Janan kii Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Mujahidku waxa uu taariikh dheer ku leeyahay halgankii iyo dib u dhiskii qaranimada Somaliland, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadii cigal iyo tii daahir Rayale ba.

Mujaahid Jidhif Alle Cimriga Iyo Caafimaadkaba ha u Barakeeyo Waa Inta Yar ee Ka sii Nool Halyeeyadii Hogaaminaayey Halgankii Xallaasha ahaa SNM.

Qalinkii; Muhamed Dhimbiil