Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Oo Ka Hadashay Ictiraafka Ay Ku Dhawaaqday Magaalo Maraykanka Ku Taala.

Hargeisa(GNN):-Wasaaraada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadd Somaliland waxay mahadnaq iyo bogaadinba u diraysaa golah deegaanka ee maragaalada Clarkston, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka sida dhiiranaanta leh ee ay u qireen xaqa ay somaliland in u leedahay in la aqoonsadoGolaha Deegaanaka Magaalada Clarkston ee dalka Marayka, ayaa si rasmia ah ugu dhawaaqay inay aqoonsadeen Somaliland,  iyaga oo si qoto dheer uga warbixiyey sida ay Somaliland xaq ugu leedahay in loo aqoonsado dal ka mida waddamada dunida

Golaha Deegaanka Magaalada Clarkston ayaa si qoto dheer uga warbixiyey sababaha ay Somaliland xaq caalami ah ugu leedahay in la aqoonsado. Iyagoo baaq

 

u diray ururka midawga Africa iyo dhamaan bulsho waynta caalamka in la gaadhay wakhti aan la hilmaami Karin sharcinimada iyo xaq nimada ay somaliland u leedahay in la aqoonsado

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahi waxay hambalyo, bogaadin iyo mahadnaqba u soo jeedinaysaa muwaadiniinta reer somaliland ee sida gaarka ah iska xil saaray hawshan gaar ahaan Samiya Cabdillahi Walanwal oo bilawday hawshan iyo dhamaanba muwaadiniita reer somaliland ee taageerada la garab istaagay oo ay ka mid yihiin

Jamal Yusuf Daroor,

Fuaad Abdi Ismail,

Ali Qanaf,

Osman Yusuf Mohamud,

Ali Hussein,

 Mubarak Suufi

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahi waxay mahadnaq balladhan u soo jeedinaysa xubnaha golaha deegaanaka magaalada Cler

Mayer: Ted Terry

 xildhibaan, Andrea Cervone,

Jamie Carroll,

Ahmed Hassan,

 Keith Barker,

 Tracy Ashby,

Stephen Quinn.

Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay si gaara ugu mahad celinaysaa xildhibaan Ahmed Hassan oo ahaa xildhibaankii mooshinka soo hordhigay golaha deegaanka magaalada Clarkston ee dalka maraykanka iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay mooshinka

Arintan ayaa waxa ay ka mid tahay dedaalada ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ugu jirto sidii ay ugu qancin lahayd aqoonsiga Somaliland dhamaan qaybaha bulsho waynta caalamka qof qof, Golayaal iyo Dawladoba