Wasiirkii Hore Ee Warshadaha Jsl Oo Magaalada Arabsiyo Qado Sharaf Ugu Sameeyay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Arabsiyo(GNN):-Wasiirkii Hore ee Wasaarada Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse Ayaa maanta  magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley qado sharaf ugu sameeyay cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax oo kamida saraakiisha Jabhada ONLF Isla Markaana maalmihii u danbeeyay ku sugnaa Caasimada Somaliland ee Hargaysa.

ARABSIYO 1

ARABSIYO 6

 

Munaasibadan Qado sharafta ah oo uu u fidiyay wasiirkii hore Wasaarada Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirkii hore ee wasaarada Arrimaha Gudaha, Cali Maxamed Waran cade iyo Maamulka degmada Arabsiyo oo iyagu qayb laxaadle ka qaatay sidii casuumadani u qabsoomi lahayd.

ARABSIYO 4

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa waxa ku wehelinayay casuumadan loo sameeyay safiir ku xigeenka dalka Kenya u fadhiya Somaliland iyo Xubno Madax-dhaqameed ah.

Ugu horayn  waxaa Munaasibadan qado sharafta ah kalmado  soo dhawayn ah ka jeediyay Wasiirkii hore wasaarada warshadaha Shucayb Maxamed Muuse.

ARABSIYO 3

“Waxaan Gacmo furan kusoo dhawaynayaa walalkeen Cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” iyo xubnaha ku weheliya safarkiisa uu ku yimid Somaliland ugu horayn waxan leeyahay waxaad joogtaa dalkaagii iyo gobolkii Gabiley anigu run ahaantii Farxad waybay ii tahay waxaan kamid ahaa Xubnihii  reer Somaliland  oo Cabdikariim Sheekh Muuse kula kulmay magaalada Nairobi anagoo markaa ku marti qaadnay in uu Somaliland yimaado Ilaahayna waa inoo dhabeeyay oo wataa maantaba aynu wado joogno, mar labaad iyo mar sedexaadba waanu kusoo dhawaynayaa iyo sida qiimaha leh ee aad nooga Aqbashay casuumadanba” Anigoo ku amaanaya dadaal culus ee aad ugu jirto sidii aad iskugu xidhi lahayd  jamhuuriyada somaliland dalka aanu jaarka nahay ee deegaanka somalida etoobiyo oo ay dagan yihiin laba shacab walaalo ah” waxaanan kaa rajaynaynaa marka aad la kulanto inmankaa aanu kala anbabaxnay ee soomaliya in aad gaadhsiiso fariintayada oo ah in ay shantii somaliyeed kala tashatay oo aanay jaarnimo wanaagsan waxaan ahaynin ka dhaxayn” . Ayuu Yidhi Shucayb Maxamed Muuse,

ARABSIYO 2

Waxaa iyaguna hadalo soo dhawayn ah halkaa ka jeediyay ex, Wasiir  Cali Maxamed Waran Cade

Ugu danbayna waxaa casuumadan ka mahad celiyay  Cabdikariin Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” iyo xubnhii la socday.