Xisbiga Kulmiye Oo Xilkii Iyo Xubinimadiiba Ka Qaaday Guddoomiye Jaamac Shabeel

Hargaysa(GNN)Guddoomiyihii Golaha dhexe ee xisbiga kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) Ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga kulmiye waxa lagu shaaciyay in xilkii iyo xubinimadiiba uu xisbiga ka hayayba laga qaaday,waxaana Lagu sheegay warsaxaafadeedka in ay gudida fulinta ee xisbiga kulmiye marka ay darseen waa sida ay hadalka u dhigeen hab-dhaqanka Jaamac Shabeel Xilkii guddoomiyaha golaha dhexe laga qaaday.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo hadhwanaagnews la xidhiidhay ayaa sheegay inaanu diyaar wakhiga u ahayn inuu ka jawaabo qaabka xilka guddoomiyaha golaha dhexe looga qaaday balse waxa uu sheegay inaanu awood u lahayn guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga kulmiye Axmed Cabdi Dheere inuu Xilka KaQaado.

Wixii Warar Ka Soo Kordha Kala Soco Gabile.net