Wafdi Ka Socda Dalka Qatar oo Gaadhay Muqdisho iyo Ujeedada Safarkooda

Muqdisho:-Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Qatar ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo kulamo la leh Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Maamulka Somalia iyo Taliska Ciidamada.

Sida ay sheegayaan wararka Wafdigan ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Muqdisho La Geeyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageera Maamulka Xamar, waxaa horay Muqdisho u yimid wafuud kala duwan, iyadoo horay Qatar balan-qaaday mashaariic kala duwan.

Tan iyo markii Maamulka Somalia u Xagliyay Dhinaca Qatar Waxaa siwayn u xoogaystay Xidhiidhka ka dhexeeya Maamulka Xamar iyo Qadar.

 

Gabiley.Net