2018: Tobankii Hablood Ee Ugu Qurux Badnaa Dunnidda Oo Lagu Dhawaaqay

Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Marka aan ka hadlayno mowduuc quruxda khuseeya, waxaa lagma maarmaan ah in la soo hadal qaado dumar, maadama ay yihiin bilowga iyo dhammaadka quruxda.

Websiteka Wunderlist ee caanka ah ayaa soo saaray liiska dumarka ugu quruxda badan adduunka 2018, dadkii liiskan ka shaqeeyay waxey eegeen dhinacyo badan, quruxda dibadda oo qura ma aanay eegin, dumarkan aayaa ku caan baxay, awood, caqli iyo shacbiyad ballaadhan, guulaha ay nolosha ka gaadheen oo lagu daray soo jiidashada iyo quruxda, hadaba waa kuwan liiska dumarka ugu quruxda badan Adduunka.

Taylor Nation:Waa jilaa, heesaa, abwaan heesaha Bob-ka curiya, liiskan waxey ka gashay kaalinta 10aad, waxay dhalatay December 13, 1989, sanadkii 2006 ayay soo saartay heesteedii ugu horreysya ee kaligeed ay qaaddo,

kadibna waxey soo saartay albamkeedii ugu horreeyay oo magaceeda wata, waxaa loo sharraxay abaalmarinta heesaaga ugu wanaagsan abaalmarinta 50th Annual Grammy Awards, sidaas oo kale waa wariye warbaahinta ka howlgashaa.

Selena Gomez:Waa jilaa, heesaa, abwaan heesaha curiya, fannaanadan Mareykanka ah ayaa soo gashay kaalinta 9aad ee liiskan, waxay ka soo jeeddaa magaalada New york, waxay dhalatay July 22, 1992, hadda waa 25 jir, aabaheed waxa uu ka soo jeeda Maxico hooyadeedna waa Taliyaani.

Emma Watson:Gabadhan caanimadeedu waxey bilaabatay, kaalintii ay ka matashay silsiladda Aflaamta Harry Potter, abaalmarinno kala duwan ayay ku guuleysatay, liiskan waxey kaga jirta kaalinta 8aad ee dumarka ugu quruxda badan adduunka, guulo is-daba joog ah ayay gaartay, waxey dhalatay 15 April, 1990, caasimadda Faransiiska ee Paris, waa jilaa, dharka xayaysiisa oo dalka Ingiriiska ka soo jeedda, hibooyin badan ayay leedahay, October 2013 waxaa loo aqoonsaday xidigta ugu soo jiidashada badan Adduunka, ra’yi uruurin la sameeyay joornaalka Empire ee caanka ah.

Fahriye Evcen:Jilaa jarmalka u dhalatay oo asal ahaan dalka Turkiga ka soo jeedda, waxaa loo soo xushay haweynayda 7aad ee ugu quruxda badan adduunka, Jun 4, 1986 ayay ku dhalatay Jarmalka, waxbarashadeedii jaamacadda waxey ku takhasustay cilmiga bulshada, jaamacadda Heinrich Heine, laakiin waxey ku laabata magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas ayay ku sameysay musalsalkeedii ugu horreeyay, halkaas oo ay ka heshay caannimo, waxey ku jishay magaca (Najla) musalsalkii Caleemaha Soo Daatay ee Turkiga ah.

Taylor Hill:Waa gabadh dharka xayaysiisa oo Mareykan ah, Hill, waxey dhalatay Marso 5, 1996, magaalda Platinum ee gobolka Illinois ee dalka Mareykanka, inta aanay dharka xayaysiin, waxay ciyaari jirtay Gymnastics oo xirfadle ay ku ahayd, sanadkii 2015 waxay heshiis la gashay si ay u noqotay gabdhaha dharka xayaysiisay ee daarta dharka lagu xayaysiiyo ee  Victoria’s Secret ee caanka ah.

Beyonce: heesaaga iyo jilaaga caanka ah ee reer Mareykan Beyoncé, waxey dhalatay September 4, 1981, waxay ku soo barbaartay magaalada Houston ee gudaha gobolka Texas, waxay soo caan baxday sagaashamaadkii oo ay ka tirsaneyd koox heesaa dumar ah oo la yiraahdo Contemporary R&B

Priyanka Chopra:Inta badan liiska dumarka ugu quruxda badan dunda laga waayo, hory ayay ugu guuleysatay tartanka Quruxda Adduunka sannadkii 2000, gadhan jilaaga ah ee reer India, waxy dhalatay July 18, 1982, intii ay fanka ku jirtay waxey ku guuleysatay abaalmarinno badan oo maxalli ah iyo kuwo kale oo heer caalami ah, waxaa ka mid ah abaalmarinta Filmka Waddaniga ah, iyo abaalmarinta flim fair.

Alexandra Daddario:Waxaan soo gaadhay saddexda kaalmood haweenka ugu quruxda badan adduunka, gabadhan  jilaagan ah ee reer Mareykan, waxay dhalatay March 16, 1986, gudaha magaalada New York, waxey jilaanimada soo gashay 2002.

Nana «Im Jin-ah:Waa haweeynda labaad ugu quruxda badan Addunka, waa jilaa, heesaa Rap-ka qaadda, dharka xayaysiisa. waxey dhalatay September 14, 1991, magaalada Cheongju, waxay fanka soo gashay 2009, waxeyna ka tirsan tahay kooxda After School (band).

1-Liza Soberano:Waxay ku jirtaa kaalinta koowaad dumarka ugu quruxda badan adduunka, waa haweenay dharka xayaysiisa iyo jilaa u dhalatay dalka Philippine, waana 19 jir.

Waaberi