Billionair-kii Ugu Yaraa Qaaradda Afrika Oo La Afduubtay + [Akhriso]

Ciidamada dalka Tansaaniya ayaa cadeeyey in la afduubay Maxamed Dewji oo ah

maalqabeenka ugu da’da yar qaaradda Afrika , waxaana lagu afduubay ganacsadahan caasimadda dalka Tansaaniya ee Darasalaam.

Ninkan oo da’diidu tahay 43 jir ayaa ku sugnaa waqtigii afduubku dhacaayey meel dibadda ka ah goob lagu jimicsado, waxaana afduubay koox wajiyadda soo xidhatay , isaga oo waqtigaasi u socday xafiiskiisa shaqadda.

Ciidamada Booliska oo la hadlaayey warbaahinta maxaliga ah ee dalka Taansaaniya ayaa sheegay in ay ilaa hadda u xidheen dhacdadan afduubka ah saddex qof oo looga shakiyey in ay ku lug lahaayeen , kuwaas oo laba qof oo kamid ahi yihiin dad ajaanib ah.

Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambaysay afduubkan, waxaana baadhitaan arrintan ku wada ciidamada Booliska sida ay ciidamadu sheegeen.

GABILEY.NET