Breaking News-Laba Ka Mid Ah Qoyska Leh Dhulka Madaxtooyada Cusub Laga Dhisayo Oo Xabsiga loo Tabaaxay.

Hargeisa(GNN):-Wararka hada nasoo gaadhaya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta xabsiga loo taxaabay laba ka mid ah qoyska iska leh dhulka laga dhisayo Madaxtooyada cusub Ee Galbeeda Magaalada hargaysa.

Mid ka mid ah ehelada labadan qof ee la xidhay ayaa waxa uu noo xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan Birmadka Somaliland oo ku sugnaa dhulka ay leeyihiin ee laga dhigayo Madaxtooyada cusub ay xabsiga u tabaxeen labada qof oo magacyadoodu kala yihiin Yuusuf Maxamed Xasan iyo Cabdixakiin Axmed Nuur oo isaga ciidamadu u gaysteen dhaawac culus, kuwaasi oo ku xidhan xarunta ciidanka ee Birjeex.

Qoyskan oo iyagu dagan dhulkan ayaa tan iyo intii ay hindisahan  xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi bilowday waxaa lagu hayay    tacadi joogta oo loo gaysto qoyskan Ilma maxamed xasan dalab oo iyagu dagen goobta ciidamadu dayrka ku wareejiyeen Sida ay  Hore cabasho ku Sheegeen.

Majirto war kasoo baxay dhinaca xukuumada oo la xidhiidha xadhiga labada qof ee kamida qoyska reer maxamed xasan dalab oo xadhigooda ay sobob u tahay muranka xukuumada udhexeeyay ee la xidhiidha lahaashan dhulkooda iyo Qorshaha Madaxwayne muuse biixi, oo aan wali caday sharciyada uu dhulkan kula wareegay,

Dhismaha Xaruntan Cusub ee Lagu Guda jiro Binaynta Qasriga Cusub ee Madaxtooyadda oo La Geeyay  Boqolaal Kamid ah Ciidamada ayaa, Waagii Beryaba Waxaa ka Taagan Cabashada iyo Qeylo Dhaanta Qoyskani Ka Bixinayo Awooda Loo Adeegsadey, iyaggoo Marar Badan Soo Bandhigey Xukunkii Dacwada Dhulkan oo Si Badheedh ah Loogu Qabsadey Kaas oo Maxkamadaha  Degmada Hargeysa Gobolka Hargeysa iyo Maxakamada Sareba Sadex Jeer u Xukuntey hase yeeshee, aan Mar Kaliya Dhagey Jalaq Loo Siin iyaddoo Wakhtiyadan Dambe Tan iyo Markii Madaxtooyada Laga Hindiseyna ay Subax Walba Kala Kulmaam Xadhig iyo Tacadi Joogto ah Majirto Walin Jawaab Ay ka Bixisey Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi haseyeeshee, Sida ay Sheegayaan Dadka Xogogaalka u ah Dhismahani Waxa ay Xaqiijiyeen in Dhismaha ay Gacanta Ku Hayaan Nin Lagu Magacaabo Buste oo ay Madaxwynaha Xigto Dhaw Yihiin .

Maaha markii u horaysay ee xadhig lagula kaco qaarkamida qoyskan hore ayaa tiraba seddex jeer loo xidhay dad iskugu jira dumar iyo caruur halka yuusuf maxamed xasan dalab oo hadda xidhan  mar hore ay ciidamadu uxidheen.

 HALKAN KADAAWO MUUQAALKA YUUSUF IYO QOYSKIISA OO KA HADLAY XADHIGOODA,