Ciyaaryahano Caan Ka Ah Somaliland Oo Shaaciyey Inay Ka Fadhiisteen Kubada Cagta

Hargeysa(GNN):-kabtankii kooxda kubada cagta heerka koowaad ee ciidamada qaranka somaliland ee Gaashaan Cabdifataax Cismaan Xuseen(Shanbidhiidho) iyo difaacii kooxda wasaarada maaliyada Aamiin Axmed Cali ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay iskaga fadhiisteen ciyaarista kubada cagta.

Labadan ciyaaryahan oo sidoo kale ka tirsanaa xulka kubada cagta ee gobolka Hawd isla markaana u soo ciyaaray gobolo Kale ayaa sheegay inay go’aanka ay gaadheen uu la xidhiidho inay fursad siiyaan ciyaaryahanada yaryar ee hada soo baxay maadaama oo ay wakhti badan ku soo dhex jireen kubada cagta somaliland.

Labadan ciyaaryahan ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in mudadii ay kubada cagta ku

soo jireen ay u soo safteen kooxo kala duwan oo ka dhisan hargeysa, gobolo ka mid ah somaliland iyo kooxo ka tirsan horyaalka wadanka Djibouti kuwaas oo ay la gaadheen guulo waaweyn isla markaana ay kula guulaysteen koobab kala duwan, waxaanay si isku mid ah u sheegeen in hada la joogo wakhtigii ay kubada ka fadhiisan lahaayeen.