Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho

Arbaco, October, 03, 2018 (GNN)- Ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u soo magacaabay Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wiilka cusub ayaa xafiiska kala wareegay ergeygii hore ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating, waxaana ergeyga cusub imaashihiisa uu ku soo beegmay xili dalka uu ku jiro marxalad xasaasi dhinaca kalana uu khilaaf ba’an u dhaxeeyo dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyad.

Wuxuu sheegay Nicholas Haysom Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay in si gaar ah sharaf ay mudnaan ugu tahay in uu ka shaqeeyo Soomaaliya gaar ahaan mudadda labada sano ah ee soo socta.

Ergeygan cusub ee Qaramada Midoobaya ayaa mudada uu wakiilka ugaga yahay xoghayaha guud ee qaramada midoobay ay tahay labo sano, iyadoo dhinaca kala Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah.

GABILEY.NET