KULMIYE Oo Mar Kale Qarka U Saaran Inuu Laba Garab U Kala Jabo Iyo Kooxo Abaabulan Oo Kulamo Siyaasadeed Ka Dhex Wada Xisbiga

Hargeysa(GNN):-Kooxo abaabulan oo ka faa’iidaysanaya Khilaafka ka dhex istaadhmay Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga laga Caydhiyay ee diiday xil ka qaadistiisa ayaa maalmihii u dambeeyay ku mashquulsan talaabooyin hor leh oo ay ifka ugu soo saarayaan waxa ay damacsan yihiin iyo ujeedooyinkooda, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan inay ku dhawaaqayaan  garab ka go’ay Xisbiga.

Ilo Wareedyo u dhuun daloola arrinkan ayaa Wargeyska FOORE U xaqiijiyey in Kooxahan oo iskugu jira Xubno aad u miisaan culus oo Wasiiro hore uga soo noqday Xukuumaddii hore ee Siilaanyo, Xildhibaano Golaha Wakiiladda kujira oo Xisbiga ka tirsan, Xubno miisaan Culus oo ka tirsan Garabada Haweenka Xisbiga Kulmiye, Dhalinyaro  iyo

siyaasiyiin kale oo Xisbiga xubno firfircoon ka ah ayaa maalmihii u dambeeyay Kulan duceedyo ku lahaa Magaalada Hargeysa, Kulamadaasi oo ay la qaadanayeen Garabada Xisbiga Kulmiye ka kooban yahay gaar ahaan Ururada Haweenka iyo Dhalinayaradda saluugsan sida ay wax u socdaan ee wax tabanaya Xukuumaddii ay soo dhiseen ee la baylihiyay kuwaasi oo ay uga faa’iidaysanayaan dano siyaasadeed oo ay wataan oo gaar u ah.

Kooxahan ayaa la sheegay inay Dabada ka riixayaan Siyaasiyiin olole ugu jira sidii Madaxweyne Muuse Biixi Cadaadis loogu saari lahaa inuu wareejiyo Kursiga Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye,waxaanay kooxahani u badan yihiin masuuliyiin danahooda siyaasiga ah ka dhex waayay Xukuumadda Muuse Biixi islamarkaana ka rajo dhigay inay ka dhursugaan, waxaanay hadda iskugu biyo shubteen inay marka hore xoojiyaan Gudoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga  laga caydhiyay Jaamac shabeel oo maanta iskugu yeedhay Golihii u Gudoomiyaha uu ka ahaa inay Kulan iskugu yimaadaan Xarunta Xisiga Kulmiye arintaasi oo ay Xukuumaddu si gaar ah isha ugu haysa. Lamana garanayo sida ay Jaamac shabeel iyo Kooxahani huursanaa ugu suurtagalayso inay maanta Xarunta xisbiga tagaan oo ay shir ku qabsadaan.

Dhinac kale Madaxweyne Muuse Biixi ayaa todobaadkii hore kulan gaar ah kula qaatay Qaar ka mid ah Garabyadda haweenka Xisbiga Kulmiye Qasriga Madaxtooyada dhexdeeda, waxaanu kulankaasi sida lanoo xaqiijiyay uu u jeediyay hadalo dhiirgalin leh, isagoo ku beerlaxawsaday inaanu ilaawin haweenkii Xisbiga ee uu waxoodii usoo wado. Waxa uu  dhinaca kale ka codsay inay sii wadaan taageeradii iyo shaqadii ay xisbiga ka wadeen, Waxaana loo malaynayaa in kulankaasi uu xidhiidh la leeyahay dhaqaaqa siyaasadeed ee ka dhex socda Xisbiga oo ay sida la sheegay qayb wayn ku leeyihiin qaar ka mid ah haweenka saamaynta ku leh Xisbiga Gudahiisa kuwaasi oo muddaba raadinaya inay fursad ay kaga faa’iidaystaan helaan. Haweenkan ayaa dhinacooda Cabasho ka muujiyay Xukuumadda iyagoo sheegay inaanay wali hayn wixii ay ka filayeen wakhtigii doorashada.

Sidoo kale Marwada labaad ee Madaxweynaha Qaranka ayaa iyaduna laba cisho kadib kulankaasi Madaxweynaha waxa ay iyaduna kulan gaar ah haweenka Xisbiga Kulmiye kula yeelatay Gurigeeda, waxaanay u balan qaaday inay hadda usoo jeedsanayso oo ay dhisayso haweenka Xisbiga Kulmiye islamarkaana ay dib u habayn ku samaynayso Ururada haweenka Xisbiga Kulmiye iyo waliba Ururka Haweenka Heer Qaran ee NOW oo ay sheegtay inay xubnihii ka baxay boosaskooda ku buuxinayso Haweenkan.

GABILEY.NET