Maayar Saleebaan Xasan Xadi Oo Ka Hadlay Cida Magaaladda Boorama Maayar U Ah

Hargaysa(GNN)Maayarka cusub ee dhawaan ay doorteen golaha deegaanka ee magaaladda boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa sheegay inaanay jirin cid ugu shubtay doorashadii uu ku helay xilka maayar-nimadda waxaana uu ka jawaabay cabasho ka soo yeedhay xildhibaankii la tartamayay oo sheegay inuu isaguna magaaladda boorama maayar u yahay.
Maayar Saleebaan Xasan Xadi ayaa cadeeyay inuu isagu markii hore ka warwar sanaa masuuliyiinta dawlada ee kal-fadhigii lagu dooranayay ka soo qayb-galay,waxaana uu tilmaamay inuu bilaabi doono odayan iyo sidii u dhagaysan lahaa cid kasta oo cabasho ka qabta.
Hadal Aan Afkiisa ka filayay muu ahayn saaxiibna waanu ahayn oo in badan ayaanu
soo wadda shaqaynaynay,doorashaddan hadda dhacdayna tii hore way ka duwanayd oo tii hore is xambaar ayaanu ku nimid iyo qolanimo lakiin tana golahu waa uu u dhamaa oo si midaysan ayaa laysku doortay oo kii aniga ii xigay ayaa isaga u codeeyay maxamedna kamaan filayn waxan uu sheegayo,waxaanan sheegayaa kolay doorashadu caadifad way iska leedahay waanay iska dhamaan doontaa oo wax dambe kama sii dambayn doonaan….sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay eryal tv
dhinaca kale Maayar Saleebaan Xasan Xadi waxa uu ka jawaabay in xukuumadu ay isaga waday isla markaasina doorashadii dhacdayna ay ugu shubeen sida uu qabo xildhibaankii la tartamayay ayaa waxa uu yidhi.
“aniga xukuumadi imay waddan xukuumaduna tii aniga i xidhay ayay ahayd oo dagaal ayaan ku jiray oo masuuliyiinta dawlada ee meesha socday ayaan islahaa armay jalaafooyin badan kuu dhigaan,lakiin dadkuna tuhun way  bixin karaan oo wasiir adeerkay ah ayaa meesha marayay lakiin cid aniga i wadatay may jirin cododna ayaanu ku kala baxnay.

GABILEY.NET