Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Suxfiga Lagu La’yahay Qunsuliyadda Sacuudiga Ee Istanbul

USA (GNN):- Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa ugu baaqay Sacuudiga inay taageeraan baadhitaan cad oo lagu sameeyo suxufiga la la’yahay ee Jamal Khashoggi, kaasi oo aan la arkin tan iyo markii uu toddobaadkii tagey galay qunsuliyadda dalkaas ee Istanbul.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Khashoggi lagu dhex dilay safaaradda, halka Sacuudiga ay sheegeen inuu si nabad ah uga baxay dhismaha.

“Waxaan aragnay warar is-diidan oo ku saabsan ammaanka iyo halka uu jiro suxufiga caanka ah ee qoraalada ku daabaci jiray Washington Post, Jamal Khashoggi” ayuu yidhi Pompeo oo bayaan soo saaray xilli dambe oo Isniintii ah.

“Saraakiisha Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxa ay boqortooyada Sacuudiga kala hadleen arrintan ayaga oo maraya marinnada diblomaasiyeed”.

Hadalka Pompeo ayaa yimid saacado kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu walaac ka muujiyey xaaladda.

“Hadda cidna wax kama oga arrintan. Mana jecli” ayuu Trump weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad.

Turkey ayaa isniintii dalbatay fasax ay baadhitaan ugu sameyso gudaha safaaradda, ayada oo raadineysa tilmaamo la xidhiidha suxufiga. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa toddobaadkii tagey sheegay inuu soo dhoweynayo in Turkiga ay baadhaan dhismaha qunsuliyadda.

Si kastaba, waxaan caddeyn in yaboohaas uu weli taagan yahay, kadib markii Sacuudiga arrin aan “sal lahayn” ku sheegeen hadalka saraakiisha Turkiga ee ahaa in Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda

 

GABILEY.NET