Qiimaha Ay Nabadu Leedahay (Somaliland). By Omer Jawaari

Ka dib markii aan in door ah joogay magalada Ayaa aniga iyo asaxaab badan oo aanaan mudo badan is arag ku balanay inaanu iskugu nimaadno

Sanadkii hore 2017 ka dabayaaqadiisii anigoo kuguda jira safar aan ugu baxayay magalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaan kasoo baxay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer oo aan waqtigaasi ka shaqaynayay waxaanan goor habeenimo ah soo gaadhay magaalada Hargeisa

Ka dib markii aan  in door ah joogay magalada Ayaa aniga iyo asaxaab badan oo aanaan mudo badan is arag ku balanay inaanu iskugu nimaadno Cafeteria ku yaala  Hotel ka wayn ee Damal, mudo sheekaysanay, wada qosolnay, waxay goorsheegtu ku dhawaatay abaaro 9:00pm habenimo waxaa si kadis ah igala soo hadlay magaalada Laascanod wiil aanu asaxaab ahayn waqtigii aan Degree ga koobaad ka waday jaamacad ku taala

magaalada Addis Ababa, wuxuuna ii sheegay in wiil ay qaraabo yihiin oo ku sugan magaalada Hargeisa uu caawimo ubaahanyahay, ka dibna waxaan ka qaatay number kiisii waanan wacay halka uu kaga suganyahay magaalada Hargeisa, wuxuuna ii sheegay inuu daganyahay Hotel ku yaala badhtamaha magaalada.

Ugu danbayntii inankii waxaan ugu tagay Hotel kii uu ka daganaa magaalada, waanu is baranay, wada sheekaysanay in muddo ah, waa nin aan da,diisa ku qiyaasay 42jir kana yimi tuulo ku taala dhinaca koonfureed ee magaalada Laascanod ee xarunta Gobolka Sool, waa Sheikh haysta malcaamad Qur,aan ay ku jiraan tiro badan oo arday ahi, wuxuu leeyahay laba xaas iyo caruur toboneeyo ah, mid ka mid ah caruurtii ayaa la socda oo uu Cusbital keenay si loogu daweeyo magaalada Hargeisa. Markii aan ka caawiyay cusbitalka ugu haboon ee lagu daawayn karo ilmaha yar marka loo eego cabashadiisa, ka dibna waan kasoo tagay oo waan iska hoyday maadaama ay noqotay goor danbe oo habeen ah.

Maalintii labaad Ayaan ku noqday halka ay wax umarayaan daawayntii ilmaha yar ee Cusbitalku, wuxuuna ii sheegay in wax kastaa si fiican ugu dhamaadeen oo uu doonayo inuu iska laabto ilmihii yaraana uu aad u caafimaad qabo hada. Ka dibna waxaan go,aansaday in si wada jir ah aan uwada qadayno, magaalkana bal wixii ugaga hadhsan kasoo danaysto maadaama uu baxayo. Waanu is raacnay intii aanu ku guda jirnay qado sharaftaasi Ayaa waxa na dhex maray sheeko cajiib ah oo aan runtii aad uga garaabay. Waxa uu iiga sheekeeyay qiimaha nabadu leedahay wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sida tani “baribaan waxaan tagay xajka markii aan soo dhamaystay waajibaadkii xajka Ayaan kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho oo ahayd meel cabsi badan oo amni darro badani taalo, waxaan ku dagay Hotel ku yaala magaaladaasi markii aan daganaa oxoogaa 7saacadood ah ayaa waxaa ii yimi niman ciidan wata oo hubaysan waaana la ixidhay anigoo wax danbi ah aan galin, maalin ka dib markii aad la ii baadhay isla markaana danbi la igu waayay ayaa la iska kay sii daayay, waxaanan markiiba go,aan kuu gaadhay inaan iskaga baxo magaaladani oo aan uduulo xagaa iyo Hargeisa waanan soo duulay, markii aan soo gaadhay magalada Hargeisa waxaan ku dagay Hotel ka Oriental ka oo ku yaala badhtamaha Magaalada.

Waxaan dareemay cabsi la,aan iyo jawi ka dagan kii Muqdisho, shanta salaadoodba waxaan ku tukadaa masaajidka Cali Mataan, waxaaban isku qaatay inaan ku suganahay wali Xaramkii barakaysnaa xaga daganaanshaha iyo amniga magaalada, hadaba waxaan kuu sheegayaa umada reer Somaliland waxay haysataa nabad cajiib ah oo aanay haysanin qayrkood , laakiin waxaa kale oo aan kuu sheegayaa in badan oo reer Somaliland ahi ma aha waayo arag fahamsan qiimaha nabadu leedahay”.

Run ahaantii waan ugaraabay sheekhaasi waxaanan waydiiyay bal sida uu ku ogaaday arimahani wuxuuna ii sheegay inuu aad udaraaseeyay bulshada inteeda badan oo uu ogaaday inaanay qaar badan oo ka mid ahi fahamsanaynba qiimaha nabadu leedahay waayo hadiyo jeer waxaan Tv yada Somalida ka daawadaa niman dadka kicinaya. Waxaa kale oo uu ii sheegay in waqti hore oo uu usocdaalay Gobol ka mid ah Gobolada Somalia uu kala kulmay hagardaamo badan ciidamada taagan Control lada (Isbaarada) oo buu yidhi ah kuwa dhibaya oo ku dhacaya haday rabaan lkn ay waxa kuwaas ka duwan ciidamada Somaliland ee ku sugan Control lada (Isbaarada) oo ah buu yidhi kuwa ku baadhaya amaanka dalkana sugaya isla markaana aan dhibaato kuu gaysanayn, hadal wanaag iyo haybad wanaag na ka muuqdo.

 

Ugu danbayn wuxuu Sheikhasi ka dhawaajiyay in umadani reer Somaliland ay ka nasiib badantahay dhul badan oo Soomaalidu dagto, ayna haboontahay inay markaste ka fikiraan wada noolaanshaha iyo isku duubnaanta bulshada oo ah waxa hadaf iyo himilo lagu gaadho

 

Wabilaahi tawfiiq

By Omer Jawaari

omerqayi@gmail.com