Shaqaalihii Hagista Diyaaradaha Ee Garoonka Muqdisho Oo Shaqo Joojin Sameeyey Iyo Sababaha Ku Kalifay

Muqdisho(GNN):-shaqaalaha hagista diyaaradaha ee garoonka Muqdisho ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin hor leh. Shaqaalaha hagista diyaaradaha ee garoonka Muqdisho ayaa sheegay in talaabada ay shaqada ku joojiyeen ay la xidhiidho ka dib markii ay shirkada maamusha garoonkaasi ee Favori LLC oo laga leeyahay dalka Turkigu ay eriday madaxii shaqaalaha hagista diyaaradaha.

Shirkada Favori LlC ayaan wali soo bandhigin sababaha keenay inay shaqada ka caydhiso madaxa shaqaalaha ee qaybta hagista diyaaradaha iyada oo ay mudooyinkii ugu dambeeyeyna Isa soo tarayeen cabashooyinka ay shaqaaluhu ka qabaan shirkada Turkiga ah.Shaqaalaha ayaa sida ay u sheegeen BBC-da waxay cadho ka qaadeen talaabada ay shirkadu ku

eriday masuulkii maamulayey qaybtooda.

Mid ka mid ah shaqaalaha gadoodsan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa BBC-da u sheegay inay hakiyeen hawlihii shaqo ee ay ka hayeen madaarka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.”Waxaan u dul qaadan weynay sida naloola dhaqmay, haddana waxaa shaqada laga eryay qof naga mid ah oo laga xaq daran yahay”.

“Xaq ayaan u leennahay inaan u doodno xuquuqdeenna mana mudnin in shaqada nalaga saaro haddii aan ka doodno waxyaabaha aan ka cabanayno”,

Sidoo kale masuul ka mid ah hawl wadeenada wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ka hadlay cabashada ay shaqaaluhu qabaan, waxaanu yidhi

“Marar badan ayey wasaaradda soo gaareen cabashooyinka ka imaanaya shaqaalaha Soomaalida ah oo ka dacwoonaya hab dhaqanka shirkadda Favori” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray “annaga haddii aan nahay shaqaalaha wasaaradda waan la soconnay khilaafkan, waxaana ognahay in masuuliyiinta wasaaradda ee qaabilsan arrimaha garoonka ay ku dhex jireen xallinta cabashada”

Sarkaalkan ayaa sheegay in shaqaalaha Soomaalida ah ay ka cawdaan hab dhaqan aysan ku qanacsaneyn oo ay kala kulmaan maamulka shirkadda.

gabiley.net

Exit mobile version