Somaliland waa in ay la garnaqsato beesha caalamka

DATE: 28/10/2018

REF: SSE/DK – 080/28102018
Somaliland waa in ay  la  garnaqsato  beesha   caalamka .
Waxaa   haboon   in  somaliland  beesha  caalamka  lagasho   shir degdeg  ah  lana  muujiyo  in  aan  Somaliland  iyo  Somaliya  waxba  ku  heshiin karin,  shirkaasna  ay  haboontahay  in Somaliland  gudaheeda  lagu  qabto, amaba Kenya  lagu qabto  laguna  martiqaado danjirayaasha beesha  caalamka intii muhiim ah iyo  UN-ta.
Runtii  waxaa   la  gaadhey  wakhtigii  aynu  beesha  caalamka  la garnaqsan  lahayn    una   sheegi  lahayn  jiritankeena  dawladnimo iyo  sharciyada  qaranimadeena , isla iyo markaana   aduunka  loogu  gudbin lahaa dacwad  degdeg  ah oo  muujinaysaa   dhibaatooyinka  hada  taagan ee ay   Somaliya kusoo  qaadey   qaranka  J. Somaliland  tusaale  ahaan–
⦁ Dagaal  ciidan   amaba  cudud  melatari   oo  xuduuda  ah   lagaga  soo  weerarey Somaliland .
⦁ Is-hortaagida  mucaawinooyinka   caalamiga  ah amaba  deeqaha  bini aadanimo.
⦁ Dagaal  dhaqaale  curyaamin ah   sida  maalgelintii  dekeda  Berbera .
⦁ la  wareegida   hawada   somaliland.
⦁ Ka  bixida   go’aanadii  iyo heshiisyadii  ka  soo  baxay wadahadaladii  Somliland  iyo Somaliya
⦁ Dagaal  diblomaasiyadeed  oo  ah wiiqida   xidhiidhka ay  Somaliland la leedahay  bulshada  caalamka  .
⦁ Dagaal  siyaasadeed  oo  ku wajahan  furfurka  bulshada  Somaliland.
⦁ Waa  in  la  muujiyo  loona  soo   bandhigo  beesha  caalamka   dhibaatooyinkii   ku  dhacay  dadka  iyo  dalka   somaliland  laga  soo bilaabo  1960  ilaa 1991.
⦁ Waa   in  la  muujiyo  sharciyada  qaranimada     Somaliland  historical  case  (  legal case )  iyo  qaangaadhnimada  shuruudaha  dawladnimo  ee  somaliland  ( The main criteria for statehood remain those set by the 1933 Montevideo Convention )
Waa in beesha  caalamka   loo  sheega  loona  qeexo    kaalinta  muhiimka  ah ee ay  somaliland  kaga  jirto  aduunka  iyo  kan  mandaqadaba   tusaale  ahaan,–
1. Somaliland waa wadan aduunka nabadgalyadiisa qayb weyn ka qaata sida ladagaalanka aragaixisada iyo budhcadbadeeda isla iyo markaana guud ahaanba amaanka aduunka iyo ta amaanka gobolkaba door muhiima ah kaga jira
2. waa wadan ku guulstey dhisida hanaanka doorashooyin hufan iyo hirgilinta nidaamka dimuqraadiyadeed. Tusaale iyo ku dashana u ah dimuqraadiyada ka hana qaada Afrika (geeska afrika) iyo guud ahaanba mandaqada
3  Somaliland waa wadan aan aduunku caawin sida xaqiiqdu tahayna jiritaanka  somaliland  waa mid faa’iido weyn  u  leh  aduunka  intiisa  kale .
4. Somaliland waa wadan ku yaala goob istraatiijiga ah ee gacanka carbeed oo ku haboon saldhigyo melatari iyo dekedo wax laga dhoofshaba,  sidoo kale hadii nabad gelyo daro ka dhacdana noqon kara mid halis weyn aduunka ku ah.
Taa badalkeeda Somaliya waa wadan aduunka dhibaato ku haya , dhaqaalana aduunku ku caawiyo isla iyo markaana aan lahayn dawlad hanan karta qaranimada Somaliya sidaa daraadeed waxa la odhan karaa somaliya may buuxin shuruudihii qaranimo (statehood qualifications ).
Sidoo   kale    waa  in beesha  caalamka  loo  gudbiyaa  cabasho  ah  sida   aduunku  indhaha  uga  qarsaday  markii xasuuqa   iyo dhibku haystey  umada  somaliland   gaar  ahaan  sideetanaadkii   ilaa  1991 kii  iyo  markale  markii   umada  somaliland  ka soo  laabatey qaoontigii  gacan  buuxdana ku  dhigtey   dhulkeedii  hooyo  aaney  wax caawima  ka helin  caalamka  hadey tahay   dib  udhiskii  iyo ka qayb  qaadashadii dhismaha dawladnimo  ee  maanta  ka jirta  Somaliland , iyo mar  saxdexaadba  markii  somaliland   dhistey dawlad  buuxda   oo dimuqraadi ah   sida  ay  beesha  caalamka   aaney  u aqoonsan   una hagratey    qarankan  dhan ee   jira  iyo umada  4 milyan ah  oo  xuquuqdoodii  iyo  aayo  ka tashigooda  la  duudsiyey   laguna  qasbayo  dawlad  aan buuxin   shuuridii  dawladnimo   iyada  somaliland  iyo somaliya  ahaayeen laba dawladood   oo isku darsadey  ee aaney aheyn  dawlad    ka  go’aysa  dawlad  kale  .
Gebagebadii –  waxaa  haboon  in somaliland  beesha  caalamka  si  cad  ugu  sheegto in aaney somaliland  iyo somaliya  mar  danbe  ku  heshiin karin  dawlad  ay wadaagaan  sidoo  kale  danta  caalamk  , danta  mandaqada  iyo danta  somaliland  iyo  somaliyaba  ay  ku  jirto  in  somaliland    la  ctiraafo   sidaa daraadeedna  somaliland  marti  uga  tahay beesha  caalamka  aqoonsi  buuxa.
Somaliland    guul
Guddida Fulinta  dalada  jaaliyada  Somaliland   ee  yurub  ( SSE)