Uganda: 36 Qof Oo Dhintay Markii uu Dhulku La Go’ay

Inta la xaqiijiyay dad gaadhaya 36 qof ayaa dhimatay, kuwo kalena waa lagu raad joogaa ka dib markii dalka Uganda ay go’day qaybo dhulka ka mid ahi.

Sidaas waxa warbaahinta u xaqiijiyay afhayeen u hadlay hay’adda laanqayrta cas ee wadankaasi, waxaana sababay ayaa ka dib markii biyo  Biyo awood badan oo dhagaxaan waawayn wata ayaa burburiyay guryo, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay Irene Nakasiita.

“Kooxahannaga baadigoobka iyo gurmadka ayaa deegaankaas ku sugan iyaga oo dadka samato bixinaya burburkana ka soo hoos saaraya.” Ayay intaas ku sii dartay.