Wasiir Sacad oo Shaaciyay Tirada Lacageed Ee Ku Baxaysa Jidka Berbera Ilaa Wajaale Iyo Cidda Bixinaysa.

Wasiirka arrimaha dibaddaSomaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la bilaabo dhismaha jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale oo muhiim u ah dekedda Berbera.

Wasiir Sacad, oo u waramay wargesyska The reporter ee ka soo baxa Addis Ababa, wuxuu sheegay in ilaa hadda lacagta ku baxaysa dhismaha jidkaas oo dhan 90 milyan oo dollar ay bixinayso dawladda UAE, laakiin uu rajo ka qabo in Midowga Yurub iyo Ingiriisku ka qayb galaan.

Wasiirka oo la weydiiyay inuu ka waramo halka uu dhismaha jidkaas ee Berbera iyo Wajaale marayo ayaa yidhi “Jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale waa la horumarinayaa. Imikaba, shirkad ayaa loo xushay inay ka shaqayso nashaqada. Way gabagebeeyeen xog ururinta qaabka jidka.
Marka taas la dhammaystiro qandaraaska dhismaha jidka ayaa la baahinayaa.”

Wasiirka waxa la weydiiyay bal cadadka lacagta dhismaha jidkaas lagu qiimeeyay inuu yahay boqol milyan oo dollar,

waxaanu yidhi “Ilaa hadda 90 milyan oo dollar weeye, laakiin waxay ku xidhantahay xaaladaha oo isbedeli karia.” Ayuu yidhi Sacad.

Mar la weydiiyay inay Itoobiya ku lug leedahay dhismaha jidka Berbera iyo Wajaale, oo ay ka qayb galayso wuxuu yidhi “Imika, lacagta la sheegay waxa bixinaya UAE, waxaanu rajaynayaa in Midowga Yurub ka qayb qaadan doono, sidoo kale Ingiriiska ayaanu rajaynayaa inuu mashruuca ka qayb qadan doono, haddii aanay intasi ku filnaan, Itoobiya ayaanu weydiisan doonaa inay ka qayb qaadato.” Ayuu yidhi.