Wasiiradda Arima dibeddeedka dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaaray Muqdisho

Waxa Maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wafdi labo geesood ah oo ay horkacayeen wasiirro arrimo dibedeedka dalalka Itoobiya iyo Eritrea.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiri doono wada hadal saddexda wasiirro arrimo Dibedeed ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ku dhaxmari doona magaalada Muqdisho, iyadoo horay wada hadallo noocan ah uga dhaceen magaalooyinka Addis Ababa ee iyo Asmara.

Wafdiga ayaa sidoo kale arki doona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo qeyb ka ah Madaxda wadda dadaallada Nabadda Geeska Africa.
Hoggaamiyeyaasha wadamada geeska Afrika ayaa bilihii la soo dhaafay

waday dadaallo lagu soo af-jarayo mad-madoowga siyaasadeed iyo muranadii xudduudaha ee Gobolka,iyagoo taasi bedelkeedana wada qorshayaal horumarineed.

GABILEY.NET