Xukuumada Somaliland Oo Dalka Keentay Qalab Casriya Oo Lagula Soconayo Waxsoosaarka Shirkadaha Isgaadhsiinta Dalka.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Maxamuud Sh. Suufi, ayaa ka warbixiyey waxqabadka Wasaaraddiisa iyo Adeegyo cusub oo ay soo kordhiyeen muddada uu xilka hayey, kuwaas oo uu sheegay inay ka mid yihiin adeegyo lagula xisaabtami doono Shirkadaha Isgaadhsiinta oo looga faa’iidaysan doono dhica Cashuuraha ku waajibay iyo weliba Xogta tagtada ah ee ay dawladdu uga baahato.

Wasiir Cabdiweli Sheekh, waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu Salaasadii Maanta ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inay ku hawlan yihiin Xeer-nidaamiyeyaasha uu waajibinayo Sharciga isgaadhsiinat Somaliland ee Xeer lambar 15 oo ay Golayaasha Baarlamaanku hore u ansixiyeen, si buu yidhi; loogu maamulo si muuqata Shirkadaha isgaadhsiinta. Isla markaana, ay Wasaaradda oo Xukuumadda ka wakiil ahi ugala shaqayso Shirkadaha Isgaadhsiinta horumarintooda iyo tayeynta adeegyada ay Bulshada u hayaan.

Faahfaahinta Wasiirka Isgaadhsiinta Warbixin ku saabsan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-