Akhriso :- Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Eritrea Iyo Itoobiya Uga Furmay Bahr-Dar?

Addis Ababa (Ilays-News):- War murtiyeed si wadajir ah ay uga soo saareen kulankii magaalada Bahr Dar ay ku yeesheen madaxweyneyaasha Eritrea, Soomaaliya iyo Ra’iiusu wasaaraha Itoobiya waxaa kasoo baxay dhowr arrimood.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Eritrea ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , Asaias Afwerki iyo ra’iiusl wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed waxay ka wada hadleen isbaddalada taariikhiga ah ee dhacay oo ay kamid yihiin arrimaha nabadda iyo isdhaxgalka gobolka geeska Afrika.

Kulankii hoggaamiyeyaashan ay ku yeesheen Bahr Dar, waxay dib u eegis ku sameeyeen heshiiskii ay ku gaadheen magaalada Asmara oo ku saleysnaa iskaashiga iyo xidhiidhka  ka dhaxeeyo saddaxdan dal.

Waxayna ku heshiiyeen ka shaqaynta danaha gobolka iyo sidii si wadajir ah ay u xallin lahaayeen dhibaatooyinka soo wajaha dalalkan.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxay sheegayaan in mudnaanta la saaro qaddarinta madaxbanaanida, awoodda, xudduudda iyo arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya

Waxayna sidoo kale ku heshiiyeen in taageero buuxdo loo fidiyo shacabka Soomaalida iyo dhammaan ha’yadaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya isla markaasna waxay ammaaneen dadaalkooda ku aadaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Hoggaamiyeyaasha Itoobiya,Soomaaliya iyo Eritrea waxay soo dhaweeyeen cunaqabataynta laga qaadayo Eritrea taaso ay sheegeen inay ka qeyb qaadaneyso xoojinta nabadda, xiriirka iyo horumarka gobolka.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya halkaas oo ay madaxweynaha Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu uga socday kulan saddex geesood ah oo ay kaga wada hadleen dhameystirka heshiiskii ay dalalkan ku gaareen Asmara.

 

GABILEY.NET