Ciidamada Ruushka Oo Xabsiga Dhigay Kooxo Lagu Eedeeyey Inay Lacago U Ururinayeen Daacish.

Ciidamada Amaanka Federalka dalka Ruushka ee loo soo gaabiyo FSB ayaa xabsiga dhigay koox looga shakiyey in ay lacago u ururinayeen ururka Daacish , kuwaas oo ku sugnaa gobolka Tomiski .

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ay ciidamadu ku daabaceen warbaahinta Ruusiyaan Today  waxaanay ciidamadu warbixintoodan ku sheegeen  in ay kooxdan qab qabteen kadib markii dad shacab ahi kusoo wargeliyeen , kooxdan ayaa  ururinta lacagtaasi u adeegsanaayey Boga Telegaraamka oo ay ku daabaceen Kaadhadhkooda Baananka .

Ciidamada ayaa sheegay in ay wadaan hadda baadhitaano ku saabsan kooxdan  iyo lacagahan cidda ay ku hagaajinayeen , ayna warbixin kasoo saari doonaan marka ay baadhitaanaddan dhameeyaan.

GABILEY.NET