Deg Deg Daawo Gobalo Ka Tirsan Dalka Mareykanka Oo La Galiyey Xaalad Deg Deg Ah Iyo Sababta

USA (GN):- Xaalad deg deg ah ayaa looga dhawaaqay qeybta waqooyi ee gobolka California kaddib markii uu dab xoog badani baabi’yay deegano ku yaallo dhinaca waqooyi.

Saraakiisha dab-damiska gobolka ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyay magaalada yar ee Paradise.

Tiro dad ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen dabka hase yeeshee ma cadda wali inta uu la egyahay khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay rayidka.

Dabka ayaa gubay dhul gaaraya 69 oo iskuweer mile ah waxaana uu ku qasbay dadka magaalada Paradise in ay ka baxaan.

Saraakiisha ayaa ku warramay in dabka la filayo inuu kusii faafo deegaannada kale ee u dhaw dhaw magaaladan.

Magaaladan uu dabka aafeeyay ee Paradise ayaa dhacda inta u dhaxeysa bariga Chico iyo waqooyiga Sacramento, waxaana ku noool 26 kun oo qof.

Halkan Hoose Ka Daawo Dabka Qabsadey Magaalada