Daawo Masaajid Cusub Oo Laga Dhisay Xaafada Laakbarako Ee Waqooyiga Magaalada Gabiley Iyo Cida Dhistay

Gabiley(GNN)Maalinba Maalin  Waxa Soo Badanaya Dhismayaasha Iyo Bulshada  Magaalada Gabiley Ee Xarunta Gobolka,Waxana Sii Kobcaya Tiriada Bulshada  Waxa Jira Dad Muxsiniina Oo Illaahay Dartii Uhirgalinaya Masaajido Lagu Cibaadaysto Si Loo Xoojiyo Hanaanka Lagu Doonayo In Qofkasta Uu Xaq Uleeyahay In Loo Yagleelo Goob Uu  Ku Cibaadaysto Oo Uu Illaahay Kula Xidhiidho,Siraad Waceys Cali Waa Hooyo Ka Soo Jeeda Gobolka Gabiley Waxey Si Iskeeda Oo Aany Cid Kale La Wadaagin  Ay Xaafada Laak Barako Ee Waqooyiga Magaalada Gabiley Ka Dhistay Masaajid Cusub Oo Loo Bixiyay Bilaal, Dhulka Laga Dhisay Masaajidka Waxa Mulkiyadiisa  Laheyd Siraad Waceys  Dhismaha Masaajidkana  Waxa Sido Kale Maalgalisay Siraad Waceys Cali Oo Bulshada Ka Codsatay In Ay Ugu Duceeyaan In Illaahay Miisaanka Xasanaadka Ugu Darro,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Maamulka Gobolka Iskuduwaha Wasaarada  Diintiyo Awqaafta  Culimada Waaweyn Ee Gobolka Gabiley Musheekh Ka Socotay Gobolada Dalka  Gudida Wanaag Farista Iyo Xumeen Reebista  Iyo Bulshada Xaafada Laakbarako Oo  Kaso Qaybgalay Munaasibad Lagu Daah Fureyay Furitaanka  Masiijidka  Cusub Ee Bilaal Ayaa Dhamaantood Siraad Waceys Cali Waxey  Illaahay Uga Baryeen  In Miisaanka Xasanaadka Uu Ugu Daro Ajarka Iyo Darajada  Ay Shaqeystay Iyago Cimri Dherar Iyo Caafiamad Qabna Illaahay Uwaydiiyay,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET

 

Exit mobile version