DAAWO:-Maxamed Bin Salman Oo Gaadhay Imaaradka Kadib Dilkii Jamaal Khashoqgi

Dubai (GNN):- Amiir Maxamed Bin Salman oo ah Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga  ayaa xalay socdaalkiisii ugu horeeyey dibeda ku aaday tan iyo markii qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul lagu dhex dilay suxufigii reer Sacuudi Jamal khashoqgi.Amir Mohamed Bin Salman ayaa la filayaa in safar uu marayo dhowr dal oo carbeed isagoo lugtii koowaad ee socdaalkiisa ku tegay dalka Isku taga Imaaraadka Carabta.

Waxaa garoonka Abu Dhabi ku soo dhoweeyay dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayid, waxaana lagu wadaa inuu tago dalal kale oo carbeed oo sacuudiga saaxiib dhow la ah.

Dhaxal-suge Mohamed Bin Salman oo si weyn loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii  Jamal Kashoqgi ayaa waxaa saarnaa cadaadis aad u weyn oo siyaasadeed, balse safarkan ayaa loo arkaa mid uu ku muujinayo inuu weli si buuxda gacanta ugu hayo maamulka Dalka Sacuudiga.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

GABILEY.NET