Daawo Sawirada Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Reer Berbera Kala Qayb-galay Tukashada Salaadda Jimcaha

Berbera (GNN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil kala qayb-galay tukashada salaadda Jimcaha.

Madaxweynaha oo weli ku gudo jira safarkiisa shaqo ee uu ku marayo gobollo kamid ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta salaadda Jimcaha shacabka kula tukaday masjid-jaamaca weyn ee magaalada Berbera oo ay buux-dhaafiyeen dadweyne aad u tiro badan.

Shacabka maanta ku sugnaa masjid-jaamaca weyn ee magaalada Berbera, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inuu madaxweynuhu kala qayb-galo salaadda Jimcaha, waxana ay fursad u heleen inay madaxweynaha salaamaan.

GABILEY.NET

 

Exit mobile version