Daawo Sawirada :- Reer Caynaba Oo Soo Dhaweyn Ay Reer Oodweyne Kula Baarjeynayaan U Sameeyey Madaxweyne Muuse Biixi .

Caynaba (GNN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey magaalo madaxda gobolka Saraar ee Caynaba iyo deegaannada dhinaca galbeed kaga teedsan.

Shacabka ku dhaqan magaalada Caynaba oo isugu jira madax-dhaqameed, aqoonyahanka, culimada, dhallinyarada, haweenka iyo siyaasiyiintu, isla markaana ay hormood u yihiin maamulka gobolka Saraar iyo ka degmada, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga horyimi dhinaca galbeed ee magaalada, waxana ay iyaga oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan u galbiyeen dhinaca fagaaraha khayriyada magaalada halkaas oo ay madaxweynaha iyo weftigiisu shacabka kala hadleen.

GABILEY.NET

Exit mobile version