Waftigii Madaxweyne Muuse Biixi Hogaaminaayey Oo Lagu Soo Dhaweeyey Degmada Sheekh Soona Gaadhay Magaalada Berbera + [Muuqaal / Sawiro ]

Sheekh(GNN)Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balladhan oo uu hoggaaminayo oo maalmahan safar shaqo ku marayey gobollada Bari ee dalka, ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil ido deegaamada u dhexeeya Burco.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ku gudo jira safarkooda shaqo ee loogu kuurgeliyo xaaladda gobollada bariga iyo habsami-u-socodka hawlaha deegaannadaas ka socda oo maalintiisii 12-aad (laba iyo tobnaad) galay, ayey bulshada ku dhaqan degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ku qaabileen dhinaca Bari ee magaalada, waxana ay u galbiyeen madal bilicsan loo asteeyey in shacabka lagala hadlo oo isla gudaha magaalada ku taalla, waxana halkaas laga jeediyey hadallo mahadnaq iyo dardaarn isugu jira.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Eng. Axmed Cismaan Xasan, Maayarka degmada Sheekh Ibraahim Cabdilaahi Cabsiiye Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan golaha wakiillada, xildhibaan Khadiija Xuseen Xaaji Xasan oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Sheekh, xildhibaan Rashiid Aw Xasan Xaaji Aadan oo ka tirsan golaha deegaanka ee Berbera ayaa ka hadlay madasha madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweynayey, ayaa si isku mid ah shacabka degmada Sheekh ugu bogaadiyey soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn ee ay madaxweynaha ku qaabileen, waxana ay hoosta ka xariiqeen in soo dhaweyntaasi farriin u tahay sida shacabku ugu qanacsan yahay hoggaaminta dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing, crowd and outdoor

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ugu horrayn shacabka ku dhaqan degmada Sheekh uga mahadceliyeyey sida sharafta iyo karaamada leh ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo weftiga uu hoggaaminayo, isaga oo shaaciyey in soo dhaweyntaasi tahay calaamad waddaniyadeed iyo midnimo.

Image may contain: 18 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, crowd and outdoorImage may contain: 26 people, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: 13 people, people smiling, people standing, crowd and outdoorImage may contain: one or more people, car and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standing, beard and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, sky and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 9 people, people smiling, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 8 people, people standingImage may contain: car, tree, outdoor and nature

GABILEY.NET