Dawladee Ayaa Dabada Ka Wada Qorshaha Cuno Qabateynta Hubka Lagaga Qaadayo Eretria ?

Hargeysa (GNN):- Golaha Amaanka ee qaramada Midoobey ayaa la filayaa in Arbacadan maanta ah ay cod gacan taag ah u qadaan qarar la hor keenaayo oo ku saabsan in cuno qabateynya hubka laga qaado dawlada Eritrea isla markaana dawlada Somaliya laga khafiifiyo cuno qabateynta  hubka ee saaran  .

Ilo Dublomaasiyadeed oo ay heshay shabakada Ilaysnews.com waxaa ay sheegayaan  in arintani ay ka danbeysay kadib markii Eretria ay la  heshiisay dalka Itoobiya , xidhiidhka ka dhaxeeya dalka Jabuuti na uu soo   hagaagay.

Ilahan Diblomasiyadeed ayaa Ilaysnews.com u sheegay in qararkan oo ay soo diyaarisay isla markaana ay dabada ka wado Dawlada Ingiriisku ay 15 xubnood ee golaha amaanku shalay oo dhan falaqeynayeen iskuna afgarteen in cuno qabateynta laga qaado Eretria oo ay saarneyd muddo 10 sanno ah

GABILEY.NET